6/5/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 4 , 2013
Kooxo Hubeysan oo saakay Toogtay Haweeney ka Shaqeynaysay Mid ka mid ah Isbitaallada Magaalada Muqdisho

Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa ku dilay saakay oo Isniin ah xaafadda Nnasteexo ee degmada Wadajir gabar ka howlgalaysay mid ka mid ah isbitaallada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla magaalada Muqdisho.

Haweeneyda la dilay magaceeda lagu sheegay Xabiibo Cali ayaa waxaa toogtay laba wiil oo bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo markiiba goobta ka baxsaday, iyadoo maydka gabadhaas loo celiyay gurigooda oo aan goobta ka fogeyn.

“Gabadha la dilay waxay ka howlgalaysay isbitaalka Daarul-shifa oo ka mid ah kuwa gaarka loo leeyahay, waxaana la toogtay iyadoo saakay shaqadeeda kusii socotay,” ayuu yiri goobjooge ku sugnaa goobta uu dilku ka dhacay.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay dilka gabadhan, iyadoo kooxihii dilka fuliyayna ay goobta ka baxsadeen, iyadoo dilkan uu imaanayo xilli ay sidoo kale shalay kooxo hubeysan ku toogteen degmada Wardhiigley gabar ardayd ah, taasoo aan la ogeyn sababta loo dilay.

Falalkan ayaa waxay qayb ka noqonayaa falalka ammaan-darro ee kusoo laalaabanaya magalaada Muqdisho, iyadoo aysan saraakiisha ammaanka ee dowladda ka hadlin falalkan.

Xilliyada habeenkii ah ayaa waxaa magaalada Muqdisho laga maqlaa rasaas iyo qaraxyo, kuwaasoo u muuqda inay soo xoogeysanayaan, inkastoo aysan xilliyadan jirin baaritaanno ay ciidamada dowladdu ka sameyn jireen gudaha Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
3/4/2013 3:25 PM EST
Halkaan ka daawo (Video) kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Amiirka dalka Qadar Hamad Bin Khalifa uu kula kulamy magaalada Dooxa.

3/4/2013 1:27 PM EST
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - Uhuru Kenyatta oo hogaamiya isbahaysiga Jubilee ayaa ku horreeya codadka ilaa iyo haatan la tiriyay.

3/4/2013 12:19 PM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) —Hotel casri ah ayaa maanta laga hirgaliyay magaalada Boorama ee gobolka Awdal, waxaana furintaankii hoteelkan oo lagu magcaaabo Ramada ka qaybgalay dadweynaha degmada, waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan.

3/4/2013 11:13 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka, Jeylaani Nuur Iikar, wasiirada arrimaha gudaha, wasiirka gaashaandhiga, wasiir ku xigeenno, xildhibaanno iyo saraakiil ciidan ayaa maanta gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

3/4/2013 9:44 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Waxaa duhurnimadii maanta garoonka magaalada Boosaaso soo caga dhigatay diyaarad siddey sagaal maxbuus oo Soomaali ah, kuwaas oo loo qabtay ku lug lahaanshaha falal burcad-badeednimo.

3/4/2013 9:21 AM EST
Isniin, March 04, 2013(HOL) - Kumannaan Soomaali ah oo ku nool degmada Kamakunji, gaar ahaanna xaafada Islii ayaa galay safafka dhaadheer oo inta badan codbixiyayaasha dalka Kenya oo dhan ay taagnaayeen maanta.

3/4/2013 9:08 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa maanta la kulmay Amiirka dalka Qadar Amiir Hamad Bin-Khalifah Al-Thani, kaasoo ay uga hadleen sidii iskaashi guud oo dhan walba ah uu u dhexmari lahaa Soomaaliya iyo Qadar.

3/4/2013 8:48 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ciidamada Booliiska Somaliland, ayaa shalay xabsiga u taxaabay Sheekh Maxamuud Cabdillaahi Geelle, ka dib markiii uu dhaliilo usoo jeediyey wasiirka Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale Duur iyo wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Samaale.

3/4/2013 7:23 AM EST
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - Xaafada Islii oo ah goob ay ku yaallaan ganacsiyada waawayn ee Soomaalidu ay ku leedahay Kenya ayaa si habsami leh ay u socotaa codbixintu.

3/4/2013 7:18 AM EST
Isniin, Maarso, 04, 2013 (HOL) – Wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhaw gaaray degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud

3/4/2013 4:00 AM EST
Isniin, March 04, 2013 (HOL) - 14 milyan oo ah muwaadiniinta u dhashay dalka Kenya ayaa saaka 6-dii subaxnimo loo furay goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan.

3/4/2013 1:58 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa xalay fiidkii gudaha magaalada Kismaayo ku dilay laba askari oo katirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya.

3/4/2013 12:13 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 11-qof oo shan ka mid ay ahaayeen ciidammo booliis ah ayaa ku dhintay rabshado siyaabo kala duwan xalay uga dhacay degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari ee Kenya iyo magaalada xeebta ku taalla ee Mombassa, iyadoo doorashooyinkii ay si caadi ah saakay uga billowdeen.

3/4/2013 12:12 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaasoo uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta dalka Qatar.

3/4/2013 12:10 AM EST
Isniin, Maarso 04, 2013 (HOL) — Waxgaradka degmada Xuddun ee gobolka Sool ayaa si aad ah uga dayriyay xaaladda nololeed ee dadka ku sugan degmadaas oo marba marka kasii dambaysa sii xoogaysanaysa, kaddib xiisad colaadeed oo dhexmara ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ee isku-horfadhiya deegaankaas.