9/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Askari ka tirsan ciidamada Kenya oo lagu dilay magaalada Mandera

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamada Kenya, iyadoona kooxahaasi ay sidoo kale qaateen hubkii uu sitay askarigaasi.

Kooxaha dilka geeystay ayaa la sheegay in sidoo kale ay askariga ka qaateen qorigii uu sitay, iyadoona ay u suuro gashay in durba ay goobta ka baxsadaan.

Dilka kadib ayaa waxa goobta soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Booliska, kuwaasoo goobta ka sameeyay howlgallo ay ku qab-qabteen tiro dad ah oo looga shakisanyahay in ay ku lugleeyihiin weerarka lagu dilay Askariga.

Taliyaha ciidamada Booliska gobolka waqooyi bari Kenya Charlton Mureithi oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay dilka sarkaalkaasi, isagoona sheegay in shilkani saaka aroortii abaare 6:30-subaxnimo uu ka dhacay xaafadda Buulo Nguvu taasoo aad ugu dhow soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Saraakiisha Booliska ayaa sidoo kale sheegay in ay wadaan baaritanno la xiriira cidda ka danbeeyso weerarka, waxayna sheegeen in ay ku rajo weynyihiin in ay gacanta kusoo dhigi doonaan dadka ka danbeeyo dilka sarkaalka ka tirsanaa ciidamada Booliska.

Weerarkan lagu dilay sarkaalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ammaanka gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya uu mudooyinkii u danbeeyay ahaa mid aad u liita, iyadoona degmooyin katirsan gobolka ay hore uga dhaceen weerarro lala beegsanayay ciidamada dowladda iyo weliba qaraxyo siyaabo kala duwan uga dhacay goobaha ay dadka isugu yimaadeen ee ku yaal magaalooyinka waaweyn ee gobolka waqooyi bari Kenya, waxaana saraakiisha Kenya ay aalaabaa weerarradani ku eedeeyaan Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

....................
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya


 













Click here
2/12/2013 11:41 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta oo Talaado ah ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen qorshe howleedka baarlamaanka uu ku shaqeynayo sanadkan 2013 iyo arrimmo kale.

2/12/2013 11:11 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Ciidamadda Amaanka ee magaaladda Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland, kaas oo ka soo laabtay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.

2/12/2013 9:57 AM EST
Talaado, February 12, 2013 (HOL) - Waxaa qarax lala eegtay ciidammo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo iyo wafdi ka socday taliska xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo ku sugnaa Afar Irdoodka magaalada Baydhabo.

2/12/2013 9:18 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2013 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu sababay qarax loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala agagaarka suuqa xoola xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

2/12/2013 8:53 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2013 (HOL) -- Qoysaskii ku nool 22-kii sano ee la soo dhaafay xeradii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Lam-galaay ee magaalada Baladweyne, ayaa hadda bilaabay in ay isaga guuraan halkaa kadib markii ay sidaa amar ku siiyeen saraakiisha ciiidamada dowladda iyo AMISOM.

2/12/2013 7:20 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigii Xildhibaanada ka koobnaa ee ka socday dalka Brundi islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

2/12/2013 5:40 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo dad xoolaley ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaalameen deegaanka Cabdi-dhoore oo qiyaastii 20-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

2/12/2013 1:01 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Howgallo lagu qabqabtay 217 qof ayay ciidamada dowladda xalay ka sameeyeen afar degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Xamar-jajab iyo Xamar-weyne.

2/12/2013 1:00 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Taliyaha gaaska labaad ee ciidamda dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Cageyayaa sheegay in la toogan doono askarigii la arko isagoo isbaaro dhiganaya jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ay jidkaas kusoo badanyeen isbaarooyinka loo dhigayo gaadiidka.