4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Warar dheeraad ah oo ku saabsan qarax dhismasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay magaalada Baladweyne

Talaado, Feberaayo, 12, 2013 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu sababay qarax loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala agagaarka suuqa xoola xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

 

Dad goob joogayaal ah oo HOL xiriir la sameysay waxaa ay sheegeen in goobta Bamka lagu tuuray oo ay fadhiyeen dad rayid ah, iyaga oo sheegay in mar kaliya ay maqleen dhawaqa qaraxa lagu weeraray goobta maqaaxida ah.

 

‘’Anniga waxaan arkay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca labo ruux oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada maamulka gobollka,’’ ayuu yiri qof ku sugnaa goob aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay.

 

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca nabad-galyada maamulka gobollka Hiiraan Axmed Cismaan C/dalla Inji ayaa sheegay in ciidamada markiiba sida uu hadalka u dhigay gacanta ku dhigeen qofkii Bamka tuuray.

 

‘’Waxaan ku guuleysanay in aan qabano qofkii Bamka ku tuuray goobta ay ku sugnaayeen dadka rayidka ah, inta aan og-yahay qaraxa waxaa ku dhintay hal qof oo rayid ah askari ka tirsan ciidamadana dhaaawac ayaa ka soo gaaray,’’ ayuu yiri Axmed Inji.

 

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa tagay oo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo AMISOM oo saldhig ku leh goob aan ka fogeyn halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaan.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Baladweyne, Soomaaliya.