3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 12, 2013
Al-shabaab iyo dad Xoolaley ah oo ku dagaallamay Jubbada hoose

Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab iyo dad xoolaley ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaalameen deegaanka Cabdi-dhoore oo qiyaastii 20-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose.

Dagaalkan oo la sheegay in uu ahaa mid xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu yimid ka dib markii xoolaley hubeysan ay weerar ku soo qaadeen saldhig  ay xoogagga Al-shabaab ku lahaayeen deegaanka Cabdi-Dhoore, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal xooggan.

Goobjoogelyaal ku sugan deegaano ku dhow-dhow halka uu dagaalka ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka ay soo qaadeen kooxo xoolaley ah oo ka careysnaa xoolo Zako ahaan ay uga qaadeen xoogagga Al-shabaab.

Ilaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi mana jiraan masuuliyiin ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo faahfaahin ka bixisay weerarkaasi iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Iska-horimaadkan ka dhacay deegaanka Cabdi-dhoore oo hoostaga degmada Kismaayo ee gobolka jubada hoose ayaa kusoo beegmaya xilli saraakiisha dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobollada Jubooyinka ay dhawaan sheegeen in ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in ay xoogagga Al-shabaab uga saaraan degmooyinka ay uga suganyihiin gobollada Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
2/12/2013 11:41 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta oo Talaado ah ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho ayaa waxay ku ansixiyeen qorshe howleedka baarlamaanka uu ku shaqeynayo sanadkan 2013 iyo arrimmo kale.

2/12/2013 11:11 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Ciidamadda Amaanka ee magaaladda Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay boqor Raabi Yuusuf Cabdilaahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland, kaas oo ka soo laabtay magaaladda Muqdisho ee Soomaaliya.

2/12/2013 9:57 AM EST
Talaado, February 12, 2013 (HOL) - Waxaa qarax lala eegtay ciidammo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Baydhabo iyo wafdi ka socday taliska xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaasi oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini oo ku sugnaa Afar Irdoodka magaalada Baydhabo.

2/12/2013 9:18 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2013 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha uu sababay qarax loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah oo lagu weeraray goob maqaaxi ah oo ku taala agagaarka suuqa xoola xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Baladweyne.

2/12/2013 8:53 AM EST
Talaado, Feberaayo, 12, 2013 (HOL) -- Qoysaskii ku nool 22-kii sano ee la soo dhaafay xeradii hore ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Lam-galaay ee magaalada Baladweyne, ayaa hadda bilaabay in ay isaga guuraan halkaa kadib markii ay sidaa amar ku siiyeen saraakiisha ciiidamada dowladda iyo AMISOM.

2/12/2013 7:20 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay wafdigii Xildhibaanada ka koobnaa ee ka socday dalka Brundi islamarkaasina mudooyinkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

2/12/2013 6:09 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) —Kooxo hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in ay gudaha magaalada Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya ay ku dileen sarkaal katirsan ciidamada Kenya, iyadoona kooxahaasi ay sidoo kale qaateen hubkii uu sitay askarigaasi.

2/12/2013 1:01 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Howgallo lagu qabqabtay 217 qof ayay ciidamada dowladda xalay ka sameeyeen afar degmo oo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Xamar-jajab iyo Xamar-weyne.

2/12/2013 1:00 AM EST
Talaado, Feberaayo 12, 2013 (HOL) — Taliyaha gaaska labaad ee ciidamda dowladda Soomaaliya, Jen. C/llaahi Cali Cageyayaa sheegay in la toogan doono askarigii la arko isagoo isbaaro dhiganaya jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kaddib markii dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ay jidkaas kusoo badanyeen isbaarooyinka loo dhigayo gaadiidka.