4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 14, 2013
Murashaxiinta Puntland oo ku baaqay in la joojiyo shaqada guddiga Xallinta Khilaafaadka ee Faroole uu soo magacaabay (SAWIRRO)


Sabti, December 14, 2013 (HOL) —
Toban kamid ah musharraxiinta u tartamaya xilka madaxweynenimo ee Puntland oo maanta kulan ku yeeshay xarunta hay'adda cilmi baarista Puntland (PDRC) ee magaalada Garoowe, ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo khuseeya doorashada madaxtinimada ee Puntland ka dhici doonta marka la gaaro horraanta sanadka soo socda ee 2014.

Baaq gabagabadii kulankaas musharraxiintu si wadajir ah ay usoo saareen, ayey kusoo dhoweeyeen go'aanka uu Madaxweyne C/raxmaan Faroole qaatay ee ahaa in uu la kulmi dono musharraxiinta kale ee ay ku tartami doonaan doorshada loo ballansanyahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka 2014.

Baaqa Musharraxiinta oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyey xafiiska Hiiraan Online ee Puntland, ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in la joojiyo shaqada Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee uu madaxweynuhu dhowaanta soo magacaabay, islamarkaana la sameeyo guddi isimmo ah oo kormeera sida ay howshu u socoto.



BAAQA MUSHARRAXIINTA AYAA U QORNAA SIDAN:



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya