4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 24, 2013
Tiradii ugu Badnayd oo u Fariisatay Imtixaankii Ogolaanshaha (QUBUULKA) Jaamacadda Muqdisho ee 2013/2014 (SAWIRRO)


Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Waxaa xarumaha jaamacadda Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ka furmay taariikhdu markay ahayd 22-kii bishan, 2013 imtixaanka ogolaanshaha ama (qabuulka) ee laga qaadayo ardayda kusoo biiraysa sanad wax-barashadeedka 2013/2014 ee jaamacadda Muqdisho.

Guddoomiyaha jaamacada Muqdisho, Dr. Cali Sh. Axmed Abuubakar ayaa wuxuu soo dhaweeyay kuna hambalyeeyay waaliddiinta iyo dugsiyaddii ay kasoo baxeen ardaydan maanta u fariisatay ogalaanshah jaamacadda.

Dr. Cali Sheekh Axmed Abubakar ayaa mid u booqday dhamaan fasallada ardayda imtixaanaadka ay ku galayeen, iyadoona guddoomiyuhu uu ardayda u sheegay in jaamacadda muqdisho ay mar walba u taagan tahay kobcinta aqoonta shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Dr. Cali Sheekh oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay qaabka sannadkan jaamacadda Muqdisho ay ardayda cusub ku qaadaneyso; isagoo ka warbixiyay kulliyadaha jaamacaddaha ay sanadkan kusoo kordhisay iyo dib u habeyn lagu sameeyay kulliyadihii hore ay u bixin jirtay jaamacada.

“Waxaa imtixaanka ogolaashaha u fariisatay qeybtii koowaad ee arayda waxaana jiri doono mid labaad oo toddobaadyo kaddib loo qaban doono ardayda ka imaanaysa meelaha fog-fog ama kuwo ay duruurfo qabsadeen,” ayuu yiri guddoomiyaha jaamacada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in jaamacadda Muqdisho ay ka kooban tahay 10-kulliyadood oo sagaal ka mid ah ay yihiin kuwa soo saarta shahaadada Bachelor-ka iyo kulliyadda kale oo soo saarta shahaadooyinka Master-ka iyo PHD-da, isagoo intaasi raaciyay in sannadkan ay ku soo biireen jaamacadda kulliyadaha caafimaadka iyo injineeriyadda. Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u xusay labadan kulliyadood ee cusub ee kala ah kuliyadda caafimaadka iyo kulliyadda injineeriyadda inay yihiin baahiyaha weyn ee hadda bulshada Soomaaliyeed u baahan tahay.

Wuxuu intaa kusii daray guddoomiyuhu “Tacliintu waxay u baahan tahay caafimaad dalna dadkiisa ayaa dhisa, taasina waxay ka mid tahay ujeeddooyinka aan ugu soo kordhinay labadan kulliyadood oo ka mid noqonaya kuwii horay u jiray.”

Dardaaran uu diray dhammaan bahda waxbarashada ayuu gudoomiyuhu yiri sidan: “Dadka aan waxbarayno ee aan soo saarayno, waa inaan ka run sheegnaa Manhajka, mid fiicanna u dajinaa, si aan u soo saarno dad tayo leh, dalkoodana wax-u-qabta caalamka kalena la tartami kara.”

Jaamacaddu waxay xubin buuxda ka tahay isla markaana ay ku jirtaa guddiyada fulinta qaar ka mid ah ururada kala ah: Midowga jaamacadaha waddamada Islaamka. Midowga jaamacadaha Carabta. Raabidada  wax-barashada sare ee dalalka Carabta. Raabidada jaamacadaha islaamka. Midowga jaamacadaha waddamada Afrika Iyo Ururro kale oo caalami ah. 







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya