Booliska Puntland ee Garoowe oo fashiliyey qarax miino
Sabti, August 24, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee magaalada Garoowe ayaa xalay fashiliyey miino nooca meelaha fog laga hago ah oo la dhigey meel u dhow guriga wasiir ku-xigeenka wasaaradda amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed.
Taliyaha booliska gobolka Nugaal gaashaanle sare C/raxmaan Xaaji Abshir "Qaan-qaan" oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa ka war-bixiyey miinadan iyo weliba sida ay ciidamada ugu suurta gashay in ay fashiliyaan.
Taliye Qaan-qaan ayaa sheegay in dadweynaha ku dhaqan aagga miinada la dhigay ay lasoo xiriireen ciidamada, kaddibna ay halkaas ciidamadu gaareen, laguna guuleystey in la qarxiyo iyadoo aan wax khasaare ah geysan.
Dhanka kale wuxuu ugu baaqay dadweynaha Garoowe - oo uu ku ammaanay in ay ciidamada si fiican ula shaqeeyaan - in ay sii dardar geliyaan kaalinta ay ka qaataan xoojinta ammaanka iyo sidii looga hortegi lahaa wax walba oo ammaanka wax u dhimi kara.
Taliyaha booliska gobolka Nugaal ayaa ugu dambeyntii sheegay in ciidamadu ay wadaan baaritaan xooggan oo lagu raad-goobayo dad la tuhunsan yahay in ay falkan ka dambeeyeen, wixii macluumad ah oo baaritaankan kasoo baxana ay dib war-baahinta uga soo bandhigi doonaan.
Xaafadda bamkan la dhigay ee 1-da August, waxaa ku yaal inta badan xarumaha dowladda Puntland iyo sidoo kale xarumaha hay'adaha caalamaiga ee Qaramada Midoobey.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
More News
- Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Maanta Xukunno ku Ridday Eedeysayaal kala duwan oo ku eedeysnaa dil iyo dambiyo kale
- Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Somaliland oo ka hadlay nin xalay lagu dilay Magaalada Hargeysa xarunta Somaliland
- Afhayeenka AMISOM oo beeniyay in Askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu kufsi u geystay Haweeney Soomaaliyeed
- Tiradii ugu Badnayd oo u Fariisatay Imtixaankii Ogolaanshaha (QUBUULKA) Jaamacadda Muqdisho ee 2013/2014 (SAWIRRO)
- Marxuum Sh. Cali Axmed Ashkir oo ku Geeriyooday dalka Mareykanka ayaa Meydkiisa lagu aasay Magaalada Kismaayo
- Magaalada Kismaayo oo laga hirgeliyay Mashruuc biyo gelin ah
- Golaha Guurtida Somaliland oo wafdi xaqiiqo-raadin ah u diray Magaalada Boorame
- Kooxo Hubeysan oo Magaalada Muqdisho ku dilay Gudoomiyihii Olombikada Soomaaliyeed ee Degmada Dharkeenley
- Qurba-joogta Ragga ah ee Dalka ku soo noqonaya oo is-bedel ku sameeyay habka Aroosyada Magaalada Muqdisho