4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Shir-weynaha Dib u Habeynta Garsoorka Soomaaliya oo Maanta looga Hadlay Qodobbadda uu Dastuurka ka qabo Garsoorka (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee looga tashanayo dib u habeynta garsoorka Soomaaliya oo maanta galay maalintiisii saddexaad ayaa diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka dastuurka iyo sida uu ula shaqeeyo garsoorka, xeerarka iyo nidaamyadii sharci ee uu dalku lahaan jiray dagaallada ka hor.

Shirweynaha ayaa waxaa kasoo qaybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirrada oo ay ka mid yihiin: wasiir-u-dowlaha madaxtooyada, Faarax Cabdulqaadir, wasiir ku xigeenka garsoorka iyo arrimaha diinta, Xasan Maxamed Jimcaale, danjiraha dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Mr. Matt Baugh iyo ergada mataleysa muwaadiniinta Soomaaliyeed  ee shirka lagu marti-qaaday.

Xildhibaan, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, wasiirkii hore ee wasaaradda dastuurka, arrimaha federaalka iyo dib u heshiisiinta oo madasha Khudbad ka jeediyay ayaa ka hadlay qodobbada dastuuriga ah ee ka hadlaya muhiimadda uu leeyahay garsoorka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay inay bulshadu hesho nidaam caddaalad ah oo lagu kala saaro markii uu is-qabad-qabsi yimaado.

“Awoodda garsoornimada waxaa iska leh maxkamadaha ayuu qabaa dastuurka ay ku dhaqmeyso dowladda Soomaaliyeed ee la meelmariyay 01-da August 2012-ka, waxaana sidoo kale uu dastuurku amrayaa in la hir-geliyo maxkamad dastuuri ah oo ka madax-bannaan golaha fulinta iyo baarlamanka” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Xoosh.

Sidoo kale, Marwo Caasho Geelle Diiriye wasiiraddii hore ee haweenka iyo arrimaha qoyska Puntland oo xubin ka ah ergada Puntland u mataleysa ka qaybgalka shirweynaha ayaa xustay inay muhiim tahay in ergadu ay kawada shaqeyso sidii loo heli lahaa qawaaniin ay dadku ku wada-shaqeeyaan si loo ilaaliyo maslaxadda guud ee ummadda Soomaaliyeed, laguna dadaalo sidii ay dadka u heli lahaayeen nidaam caddaalad ah.

Garyaqaan Caasho Kiin Ducaale oo shirka ka hadashay ayaa sheegtay in dhibaatada dalka ka jirta ay sabab u tahay caddaalad-darrada loona baahan yahay in la helo garsoor caadil ah, dowladduna sameyso guddi madax-bannaan oo ka shaqeeya xuquuqda Aadanaha.

Ugu dambeyn, Sheekh C/qaadir Soomow oo k amid ah ergada shirkan kasoo qaybgashay ayaa soo jeediyay in lagu dhaqmo kitaabka Alle soo dejiyay si looga maarmo in la raad-raadiyio sharcii dadka kala hagaya.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya