Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, soona qabtay xilal wasiirnimo kana mid noqday baarlamaannadii Soomaaliya ayaa xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis dalka Jarmalka.
![]() |
“Waxaa saakay nasoo gaartay inuu xalay gellinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaati-guduud) oo ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaaliya, runtii waa geeri naxdin leh,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.
Siyaasigan ayaa muddo dheer xanuunsanayay isagoo xilkiis xildhibaanno ee uu ka hayay baarlamaankii hore uga tagay xanuun awgiis iyadoo xilkaas loo dhaariyay C/casiis Lafta-gareen oo ay isku hayb yihiin.
Col. Shaati-guduud wuxuu dagaal la galay ciidammo uu hoggaaminayay Jen. Caydiid oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii kooxaha Soomaalida, kaasoo ku geeriyooday Muqdisho sannadkii 1996-kii, xilligaas oo ay caasimadda ka socdeen dagaallo sokeeye oo xooggan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isaguna ka tacsiyeeyay geerida ku timid Shaati-guduud, isagoo sheegay in maydkiisa la keeni doono dalka laguna aasi doono, wuxuuna shacabka Somalida ka dalbaday inay u duceeyaan hoggaamiyahaas dhintay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
