4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka Qaybgalay Munaasabadda sanadguuradii Koowaad ee Aasaaska Radio Dalsan (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), xildhibaanno, suxufiyiin, shacab iyo mas’uliyiin kale ayaa ka qaybgalay munaasabad loogu dabbaal-degayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay aasaaskii Radio Dalsan oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Muqdisho, taasoo lagu qabtay Muqdisho shalay oo Salaaso ahayd.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadley agaasimaha idaacadda Dalsan, Xasan Cali Geeseey oo sheegey in muddadii ay jirtay idaacadda ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo, sidoo kale waxaa uu sheegey in idaacada ay tabiso warar lagu kalsoonaan karo 100%, ayna ka shaqeyso horumarinta nabadda.

“Radio Dalsan wuxuu diiradda saarnaa sidii ay caalamka ugu soo bandhigi lahaayeen xaaladaha ay ku sugan yihiin baracakayaasha ku jira xeryaha ku yaalla Muqdisho iyo sidoo kale sidii nabadda dalka ay u noqon lahayd mid aad u wanaagsan,” ayuu yiri Xasan Geeseey.

Waxaa kaloo uu sheegey in wararka ay idaacaddu tabiso ay ku kasbatay dhageystayaan fara badan, isagoo xusay inaysan jirin wax dhibaato ah oo ay la kulmeen wariyeyaasha ka howglala idaacadda Dalsan; marka laga reebo kuwa laga xiray oo uu ugu horreeyay wariye Cabdicasiis Koronto wuxuuna intaas ku daray in sii daynta wariyaha ay u mareen hab sharci ah.

Xubnihii kale ee halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa wasiir ku xigeen wasaaradda warfaafinta, Cabdishakuur Cali Mire oo yiri: “Markii Radio Dalsan la aasaasayay waxaan ka mid ahaa dadkii sida weyn loogala tashaday wixii talooyin ah ee wanaagsanaana waan ku biiriya; waxaan leeyahay hambalyo dhammaan shaqaalaha Dalsan, waxaana idiin soo jeedinayaa inaad sii laba-laabtaan howsha weyn ee aad u haysaan ummadda Soomaaliyeed.“

Sidoo kale, waxaa halkaa ka hadley wasiir ku xigeen wasaaradda gaashaandhiga, Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi (C/raxmaan Dheere) oo isna u hambalyeeyay dhammaan wariyayaasha iyo shaqaalaha Idaacadda Dalsan.

Dadkii kale ee ka qaybgalay munaabadaas lagu waxaa ka mid ahaa: Xuseen Cali Axmed (Danjire), Maxamed Xuseen Owliyo, Maxamed Ibraahim Isaaq, Xasan Xaashi Muxumad iyo Cali Maxamed Nuux (Timo Jilic) waxayna xuseen dhammaantood inay ku faraxsan yihiin sannadguurada idaacadda Dalsan, waxayna xuseen inay tahay Idaacad dhowrta anshaxa saxaafadda.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay inuu ka qayb-galo munaasbadda lagu xusayo sannad-guurada koowaad ee Idaacada Dalsan, isagoo hoosta ka xariiqay in baarlamanka uusan marnaba ogolaa doonin in fargelin ama faafreeb lagu sameeyo xorriyada saxaafadda, hase yeeshee wuxuu kula dardaarmay bahda warbaahinta inay iyagu ilaaliyaan sharuucda dalka u degsan; taaasoo uu sheegey in lagu gaari karo saxaafad dhinac walba ka dhisan.










Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya