5/30/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ku aaday dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa safarkiisii ugu horreeyay ee uu dibadda dalka ugu ambabaxo wuxuu maanta ku aaday dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Wafdiga uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa isugu jiraan wasiirro, xilddhibanno iyo shaqaale ka tirsan xafiiskiisa, wuxuuna booqan doonaa dalalka: Jabuuti, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi, isagoo ka helay dalalkaas casuumaado rasmi ah.

Xubno ka tirsan wafdiga ra’iisul wasaaraha ayaa HOL u sheegay inuu ka billaaban doono safarkooda dalka Jabuuti oo ka mid ah dalalka ciidammo ka mid ah AMISOM u soo diray Soomaaliya; isagoo kala hadli doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal.

Safarkaas kaddib ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa waxay u gudbi doonaan dalka Itoobiya oo lagu wado inay kulammo kula yeeshaan madaxda dalkaas ay uga qaybgalaan shir looga hadlayo arrimaha Afrika.

Dalka Kenya oo uu ra’iisul wasaaruhu deggenaan jiray ka hor intii aan xilkan ayuu booqan doonaa, waxaana lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dalkaas oo uu kala hadlo adkeynta xiriirka labada dal, madaama shacabka Kenya ay doorteen madaxweyne cusub.

Uganda iyo Burundi ayuu sidoo kale booqan doonaa, isagoo kala hadli doona madaxda dalkaas sidii loo xoojin lahaa ciidamada ka joogaan Soomaalia si ay xukuumadda ugu guuleysato in dalka oo dhan ay gacanta ku dhigto.

Dalalka Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Burundi ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo fara badan oo ku shaqeynaya magaca AMISOM waxayna ka howgalaan gobollo iyo deegaanno badan oo ku yaalla gobollad Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. Iyadoo dalka Itoobiya ay isagana ciidammo aan qayb ka ahayn AMISOM ka joogaan gudaha Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo looga bartay inuu booqashooyin ku kala bixiyo gobollada dalka ayaa wuxuu safarkiisan noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu ugu ambabaxo dalka dibaddiisa, tan iyo markii xilkan loo magacaabay bishii November ee sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
4/3/2013 1:02 PM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Dowladda Puntland ayaa maanta soo saartay amar shaqada looga joojinayo saddex idaacadood oo kamid ah kuwa ugu ballaaran war-baahinta maxalliga ah e ka howlgala gudaha deegaanada Puntland.

4/3/2013 12:46 PM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Saraakiisha howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo dhaweeyay maanta qaybtii ugu horreysay ciidammo ka socda dalka Sierra Leone oo soo gaaray Muqdisho, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay AMISOM.

4/3/2013 12:32 PM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo maanta safarkiisii ugu horreeyay uga ambabaxay Muqdisho ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

4/3/2013 12:26 PM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta dhagax dhigay dhismayaal cusub oo kala duwan oo laga hirgalinayo degmada Axmed dhagax ee Magaalada Hargeysa.

4/3/2013 9:51 AM EST
Arbaco, 03 April, 2013 (HOL) :- Ku dhawaad ilaa 44 Xildhibaan oo ka tirsan golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo.

4/3/2013 9:07 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Shirweynaha Qaran ee looga tashanayo dib u habeynta garsoorka Soomaaliya oo maanta galay maalintiisii saddexaad ayaa diiradda lagu saaray qodobbo ay ka mid yihiin qaab-dhismeedka dastuurka iyo sida uu ula shaqeeyo garsoorka, xeerarka iyo nidaamyadii sharci ee uu dalku lahaan jiray dagaallada ka hor.

4/3/2013 8:46 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ururka Hormarinta dhalinyarrada gobollka Hiiraan [Hiiraan Youth Development Association] ayaa bilihii ugu danbeeyayba ku howlanaa dib soo nooleynta goobihii danta guud, ayaa hadda billaabay in uu dib u dhis ama dayactir ku sameeyo goobihii taariikhiga ee ku bur buray dagaalladii ka dhacay dalka.

4/3/2013 8:43 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) —Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud Sillaayo, ayaa maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey gudoomiye ku xigeenkii kowaad ee golaha Guurtidda Sheekh Axmed Sheekh Nuux Fure oo xalay ku geeriyooday magaaladda Hargeysa.

4/3/2013 8:23 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), xildhibaanno, suxufiyiin, shacab iyo mas’uliyiin kale ayaa ka qaybgalay munaasabad loogu dabbaal-degayay sannadguuradii koowaad ee kasoo wareegtay aasaaskii Radio Dalsan oo ka mid ah idaacadaha ka howglala Muqdisho, taasoo lagu qabtay Muqdisho shalay oo Salaaso ahayd.

4/3/2013 6:11 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Col. Xasan Maxamed Nuur Shaati-guduud oo ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii Soomaaliya, soona qabtay xilal wasiirnimo kana mid noqday baarlamaannadii Soomaaliya ayaa xalay ugu geeriyooday xanuun awgiis dalka Jarmalka.

4/3/2013 1:49 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta tagaan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay dhexdhexaadin uga dhex-billaabaan dowladda iyo maamulka KMG ah ee Kismaayo oo isku fahmi waayay maamul u sameynta gobollada Jubbooyinka.

4/3/2013 1:48 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay sagaal kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo kala duwan oo xalay fiidkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya; kuwaasoo mid ka mid lala beegsaday xarunta dhexe ee shirkadda Dahabshiil ay ku leedahay magaalada Muqdisho.

4/3/2013 1:47 AM EST
Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Madaxwenaha maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac "Indhasheel" ayaa dhagax dhigay dhisme laga billaabay garoonka degmada Taleex oo xarun KMG ah u ah maamulkaas.