4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 3 , 2013
Madaxweynaha Khaatumo State oo dhagax-dhigay dhismayaal cusub oo lagu darayo Garoonka Diyaaradaha Taleex (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 03, 2013 (HOL) — Madaxwenaha maamulka Khaatumo, Maxamed Yuusuf Jaamac "Indhasheel" ayaa dhagax dhigay dhisme laga billaabay garoonka degmada Taleex oo xarun KMG ah u ah maamulkaas.

Garoonka degmadda Taleex oo lagu magcaabo Seyid Maxamed Cabdulle Xassan oo ahaa hal waddo oo ay diyaaraduhu ku ordaan ayaa haatan la billaabay in loo rogo garoon shaqaynay lehna dhismayaashii garoomada  diyaaradeed looga baahnaa.

Dhismaha garoonka haatan lagu kordhinaayo ayaa sida uu sheegay Inj. Rooble Ciise Degele wuxuu ka kooban yahay  laba hool oo waaweyn, laba  bakhaar, xafiisyo, masaajid iyo qaybo kale oo aasaasi u ah garoonka si ay howlihiisu u noqdaan kuwo dhameystiran, waxaanu intaas raaciyay in hadba awooddu inta ay gaadho ay wadayaan.

C/raxmaan Cumar Cali (Caweer) oo ka mid ah ganacsatada degmada Taleex ee gobolka Sool ayaa sheegay in urur wadDani ah oo awoodDiisu dalka debediisa ka dhisan tahay uu billaabay qorshaha lagu ballaarinayo garoonka, isagoo sheegay in lacagta ay soo direen ururkan ay tahay mid yar; balse ay uga jeedaan inay billaabaan howl dadka oo dhan ka dhexeysa ayna wadi doonaan iyagoo dadkooda ku tashanaya.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta iyo khayraadka dabiiciga ah, Ibraahin Yuusuf Guure oo halkaasi ka hadal ayaa isna sheegay in garoonku haatan yahay waddadaas dheer oo keliya; laakiinse wax badani qabyo ka yihiin, isagoo ka xusay degelka diyaaraduhu ku hakadaan, siligga xoolaha lagaga xidho ama deyr iyo tallaabooyin badan oo kale; waxaanu ugu baaqay bulshadu inay isku tashadaan.

Madaxwenaha Khaatumo oo ka hadlay dhagax dhiggii kaddib ayaa aad ugu mahad-celiyay ganacsatada iyo ururka Daryeel ee isku xil-qaamay inay garoonka ka dhigaan mid leh laamihii maamul, waxaanu ugu baaqay guud ahaan bulshada deegaanku inay ka qayb-qaataan waxqabadka dalka.

Indhasheel wuxuu xusay in howluhu aanay ahayn garoonkan oo keliya balse ay ka badan tahay isagoo ka xusay garoon dhimihiisu muddo ka badan saddex sannadood laga waday magaalada Buuhoodle oo uu sheegay inuu haatan gabagabo ku dhow yahay.

Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo bilawgii sannadkii hore la billaabay ayaa ku dhismay iskaashi dadka deegaanka u dhashay; kaasoo haatan u muuqda mid hawlgalkiisa lagu guulaystay, iyadoo garoonkan oo markii u horreysay ay diyaaradi soo fadhiisatay ay ahayd 04 December, 2012.




Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool