Isbahaysiga Jubilee ee xukuma dalka Kenya oo doonaya inay ciidamadooda kala soo baxaan wadanka Soomaaliya
Qaar kamid ah hogaamiyayaasha isbahaysiga ayaa shaaciyay in tallaabooyinkan ay kamid tahay kala soo bixitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya iyo waliba xiritaanka xerada qaxootiga ee Dhadhaab.
Senator-ka laga soo doorto Tharaka Nithi Mr. Kithure Kindiki iyo gudoomiyaha xisbiga TNA Mr. Johnson Sakaja oo labaduba ka tirsan isbahaysiga Jubilee ayaa ka dalbaday madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka in ay tallaabooyin adag ka qaadaan qaramada midoobay iyagoo u qabtay 6 asbuuc gudahood in tallaabooyinkaas lagu dhammaystiro.
Khudbad ay ka jeediyeen magaalada Kiambu ee ay awooda ku leeyihiin qabiilka Kikuyu ee uu kasoo jeedo madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hogaamiyayaashani ay muujiyeen sida ay uga xunyihiin go’aankii uu qaatay golaha ammaanka ee qaramada midoobay kaasoo wadamada reer galbeedku ay ku diideen inay u codeeyaan qaraar lagu baajin lahaa maxkamada la saarayo labada hogaamiye ee ugu sarraysa dalka Kenya.
Senator Kithure Kindiki oo goobtaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in golaha ammaanka ay geeyeen qaraal lagu baajinayay maxkamada maadaama Kenya ay haatan ku mashquulsantahay xasilinta Soomaaliya iyo Congo ayna iska indhatireen golaha ammaanku, isagoo sheegay in Soomaaliya ay kala soo baxayaan ciidankooda loogana baahanyahay qaramada midoobay inay xal u hesho xasilooni darrada ka taagan Soomaaliya.
Hogaamiyayaashan ayaa sidoo kale sheegay in xeryaha qaxootiga irridaha la isugu laabo iyagoo ku tilmaamay xerada Dhadhaab inay noqotay godka ay ku dhuuntaan argagixisada Kenya ka gaysata weerarada.
Isbahaysiga Jubilee ayaa waxaa kaloo ay sheegeen inay wadanka ka saarayaan ciidamada qaramada midoobay loogu tababaro goobaha qaar sida magaalooyinka Nanyuki iyo Laikipia.
“Ma doonayno inay sii joogaan, ciidamadayada ayaa waayay meelo ay ku tababartaan ha gaystaan wadamo kale” ayuu yiri Sakaja.
Inkastoo aysan cadayn tallaabada rasmiga ah ee dawlada Kenya ay qaadi doonto ayaa hadana hadallada kasoo yeeray hogaamiyayaashan oo awood ku leh isbahaysiga Jubilee ay walaac ku abuuri karaan qaramada midoobay oo taageerta hawlgalka nabad ilaalinta ee midowga Afrika uu ka wado Soomaaliya.
Dawlada Kenya ayaa si wayn uga carootay todobaadkii lasoo dhaafay markii golaha ammaanku ay diideen in la baajiyo maxkamada ku socota Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto taasoo u muuqata inay saamayn ku yeelanayso kaalintii Kenya ay ka ciyaari jirtay hawlaha nabadaynta ee Soomaaliya iyo sidoo kale xiriirkii ay la lahayd qaramada midoobay iyo wadamada reer galbeedka.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya
More News
- Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Banaadir oo sheegtay in Boqollaal Ruux ay ka heleen Cudurka Halista ah ee HIV - AIDS-ka
- WARAN-CADDE: “Dowladda Soomaaliya Waxay dooonaysaa inay ka abuurto Somaliland Fawdo dhinaca Siyaasadda ah”
- Madaxweynaha Somalia oo ka Qaybgalay ciyaar ka mid ah Horyaalka dalka oo dhexmartay Jeenyo iyo Elman (SAWIRRO)
- Tirada Musharraxiinta u Tartamaya Hoggaanka Puntland oo sii Kordhaya iyo Musharax lagu soo Dhaweeyay Gaalkacyo (SAWIRRO)
- Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC oo soo Gaba-gabeeyay Wajigii Koowaad Mashruucyo Ceelal looga Qodayo Somalia (SAWIRRO)
- GUDDOOMIYAHA BAARLAMANKA: “Shacabka reer Hiiraan waa inay hal meel uga soo Wada-jeestaan Cadowgooda”
- Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM oo ka Hadlay Weerarkii lagu Qaaday Saldhigga Booliiska Beledweyne
- Wafdi ka socda Dalka Kenya oo u tagay Britain in Jaadka aan la mamnuucin iyo Soomaalida Dalkaas oo soo dhaweysay
- Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo si adag u cambaareeyey weerarkii degmada Beledweyne ka dhacay, kana Tacsiyeeyay
- Agaasimaha Isku-dubaridka Gar-gaarka Somalia oo Dalka South Korea kaga Qayb-galaya shir looga hadlayo Xoojinta Gargaarka
- MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dowladda Soomaaliya Waxaa ka go’an inay Kooxda Al-Shabaab ka Cirib-tirto dalka oo dhan”
- Xarakada Al-shabaab oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerarradii Maanta lagu Qaaday Saldhigga Booliiska Baladweyne
- Faahfaahin ku saabsan Weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah oo saakay lagu qaaday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne
- Degdeg: Kooxo Hubaysan oo Weeraray saldhig ay ciidammada Dowladdu ku leeyihiin Xarunta Gobolka Hiiraan ee Beledweyne
- Tiro aan badnayn oo ka mid ah Qoxootiga Soomaalida ah ee dalka Kenya ku nool oo doonaya inay Somalia kusoo laabtaan
- Roobab la Filayo inay Saddexda Casho ee soo Socota si xiriir ah uga da’aan Deegaannada Puntland iyo Somaliland
