Faahfaahin ku saabsan Weerar isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah oo saakay lagu qaaday saldhiga booliiska magaalada Beledweyne


Talaado, November, 19, 2013 (HOL) –Abaare saacad 10 : 05 daqiiqo ah ayaa mar kale dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne waxaa ay ka war-heleen dhawaqa qarax aad u xoog badan iyo rasaas isla socta oo ka dhaceysa ilinka hore ee saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo fariisin u ah ciidamada booliiska maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Weerarka ismiidaaminta ah oo ahaa mid loo adegsaday gaari walxaha qarax laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay albaabka hore ee saldhiga, iyadoo intaa kadibna la mqlayay rasaas toos ah oo ay is-weydaarsadeen ciidamada maamulka iyo kuwa Jabuuti iyo kooxo la sheegay in ay weerar ku qaadeen gudaha saldhiga.

Hubka garbaha laga tuuro iyo rasaas ka dhaceysay qoryaha boobaha ah ayaa qadar daqiiqado ah waxaa laga maqlayay gudaha iyo agagaarka saldhiga booliiska oo la sheegay in ay gudaha u galeen kooxo hubeysan oo markii uu qaraxa dhacay kadib weerar toos ah ku qaaday.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa markiiba isku fidiyay magaalada gaar ahaan agagaarka saldhiga booliiska, kuwaa oo dagaal toos ah la gallay kooxaha weerarka soo qaaday.

Dad badan oo isugu jiray ciidamo shacab intaba isugu jiray ayaa ku geeriyooday qaraxa ismiidaaminta ah iyo weerarka tooska ah oo ay soo qaadeen kooxaha hubeysan.

Mar aan tagay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne ayaa ku arkay oo kaliya meydadka sadex ruux oo labo ka mid ahi haween ahaayeen, halka kan kalana uu ka tirsanaa ciidamada nabad-galyada wadooyinka ee Taraafikada, laakiin waxaa la ii sheegay in ay jiraan dad kale oo meydadkooda la geeyay xaafadaha.

Dhammaan waxaa uu bur bur xoog leh soo gaaray dhismayaashii ka ag dhawaa saldhiga booliiska oo ay ka mid tahay Aargada magaalada Beledweyne ay caanka ku tahay oo gabi ahaanba dhulka ku soo dhacday.

Xaaladdu hadda waa ay degan tahay waxaa wali socda baaritaanno ay wadaan saraakiisha iyo ciidamada nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan, mana jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ay saraakiishu siiyeen warbaahinta.

Weerarka maanta ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa kusoo beegmaya dhowr todobaad uun ka dib markii weerar Ismiidamin ah lagu qaaday maqaaxi aan wax badan ka fogeyn xarunta maamulka gobolka taasoo ay ku dhinteen dad ku dhaw 19 ruux oo rayid u badnaa.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waxaan idiinku soo gudbin doonaa wararjeeba dabe gaduu rabu qadaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.






Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Haweeney u hadashay isbitaalka Banaadir ayaa maanta sheegay inay muddo labo sano gudahood ah ay cudurka halista ah ee HIV/AIDS-ka ay ka heleen 250-qof, kaddib baaritaanno ay ku sameeyeen kumannaan qof oo isbitaalka booqday.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Warancadde ayaa xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyey inay faro-galin ku hayso arrimaha Somaliland.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qayb-galay cayaarta kubadda cagta ee horyaalka heerka 1-aad ee dalkeenna Soomaaliya, taasoo dhexmartay kooxaha Jeenyo iyo Elman.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Waxaa sii kordheysa tirada murashaxiinta isku soo taagaya doorashada xilka madaxweynenimo ee maamulka Puntland iyadoo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Gaalkacyo mid ka mid murashaxiinta isku soo taagay xilka kaasoo lagu magacaabo, Cabdiwali Maxamuud (Guray).

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Ururka Iskaashiga Islaamka ee (OIC) ayaa maanta soo gaba-gabeeyay wajigii koowaad mashaariic ay ceelal kaga qodayeen Somalia, iyadoo munaasabadda xiritaanka wajiga koowaad ee mashuurcan lagu qabtay Muqdisho.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi u diray shacbiga ku dhaqan gobolka Hiiraan, isagoo si gaar ah ugu tacsiyadeeyay dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen weerarkii argigixisanimo ee maanta ka dhacay magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdi Faarax Laqanyo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMISOM ay is-hortaag ku sameeyeen xoogag ka tirsan Al-shabaab oo damacsanaa in ay gudaha u gallaan saldhiga booliiska magaalada Beledweyne.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan barlamaanka dalka Kenya ayaa u tagay magaalada London in dowladda Ingiriiska ay kala hadlaan cuna-qabatayn ay dowladda wadankaasi sheegtay in la saari doono qaadka miirowga oo Kenya dhoofintiisa ay ka heli jirtay dhaqaalo tiro badan.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii maanta lagu qaaday saldhigga degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Agaasimaha cusub ee waaxda isku-dubaridka gar-gaarka Soomaaliya (Aid Coordination Unit), Axmed Ceynte ayaa magaalada Soul ee dalka South Korea uga qeybgalaya shir looga hadlayo sidii gargaarka loo xoojin lahaa (Busan Global Partnership Forum).

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa tacsi u diray dhammaan dadkii waxyeelladu ka gaartay qaraxii maanta ka dhacay saldhigga booliiska ee Beledweyne.

Isbahaysiga haysta aqlabiyada xukunka wadanka Kenya ee Jubilee ayaa qaadaya tallaabooyin looga jawaabayo go’aankii ay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku diideen in la baajiyo maxkamada la saarayo madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto.

Talaado, November 19, 2013(HOL) :- Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkii isugu jiray ismiidaaminta iyo midka tooska ah ee maanta lagu qaaday saldhigga booliska degmada Baladweyne, kaaso ay ku dhinteen dad aad u badan oo isugu jiray askar iyo dad rayid ah.

Dad aan tiradooda la xaqiijin ayaa ku dhintay weerar isugu jiray qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ay xigtay is rasaasayn xoog leh.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Qoxooti Soomaaliyeed oo tiradoodu gaarayso 100-qof ayaa oo ku nool xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa isku diyaarinaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda Soomaaliya, si ay nolol cusub uga abuuraan gudaha dalkooda.

Talaado, November 19, 2013 (HOL) — Roobab xiriir ah ayaa la filayaa inay ka da'aan saddexda casho ee soo socota deegaannada Puntland iyo Somaliland, iyadoo la sheegayo in roobabkan aysan ahayn kuwa khasaare geysanaya sidii kuwii dhawaan ka da'ay deegaannada bari ee Puntland.

Somali News

11/19/2013 5:13 PM EST
Councilmember Phil Andrews’ decision to run for county executive in 2014 has created an open seat in the County Council’s Rockville/Gaithersburg-based District 3 for the first time in three decades. But what started out as a potentially crowded field vying to succeed him has thinned considerably.

11/19/2013 4:21 PM EST
Mogadishu (AFP) - A suicide Shabaab car bomber blasted open the gates of the police station in the central Somali town of Beledweyne on Tuesday, before insurgent commandos stormed the compound shooting and killing, commanders and police said.

11/19/2013 3:30 PM EST
MOGADISHU, Somalia — Attackers from the Shabab militant group assaulted a police station in a Somali town north of Mogadishu on Tuesday, leaving at least 28 people dead and scores more wounded.

11/19/2013 3:00 PM EST
Paris — A Frenchman detained in Somalia's semi-autonomous Puntland region is not a spy as claimed by local authorities, France's foreign ministry said on Tuesday.

11/19/2013 2:55 PM EST
BRUSSELS, Nov 19 (KUNA) -- EU defence ministers met here Tuesday and discussed about the security and defence industry in Europe and EU operations in Mali and Somalia. General Patrick De Rousiers, Chairman of the European Union Military Committee, told a press conference: "The focus was really on the two missions - EUTM Mali and ATALANTA, just because both of them are going under scrutiny and there is a strategic review coming up." "There has been no political decision to extend the missions, there were discussions by Ministers. And what I heard around the table was a global support of the idea of extension and for a duration which was for the two missions highlighted at two years," he said.

11/19/2013 2:52 PM EST
The British government is proposing to set aside around 4.8 million pounds (USD 7.7 million) to enhance counter-terrorism capabilities inPakistan and northern Somalia.

11/19/2013 2:35 PM EST
Al-Shabab militants, who control portions of southern Somalia, have long relied on charcoal exports to Gulf Arab states to fund their operations and pay their recruits. Now, following the al-Shabab attack on Nairobi’s Westgate shopping mall in September that killed at least 67 people, there is renewed urgency at shutting down the charcoal pipeline. U.N. officials who are pushing the effort have so far had little success in curbing the trade but the recent seizure of a ship carrying charcoal to Dubai may change that.

11/19/2013 2:29 PM EST
Somali Airlines (Mogadishu) could resume operations in the coming weeks. According to Skyliner Aviation, a SAMair(9C, Bratislava) B737-400, OM-SDA (msn 24438), has been painted into the Somali national carrier's distinctive colours in Budapest ahead of its delivery to Mogadishu. Prior to the collapse of the Siad-Barre regime in 1991, Somali Airlines had operated B720Bs, B707-300s and A310-300s on a respectable domestic network along with regional and international connections to the Middle East and Europe.

11/19/2013 2:26 PM EST
A NDOLA magistrate’s court has sentenced a Somali man to 12 months in prison with hard labour for illegal stay in Zambia and false representation.

11/19/2013 5:52 AM EST
Three local Somali men convicted of aiding a terrorist organization in their war-torn homeland were sent to prison Monday, concluding what’s expected to be the first leg in legal battle that will continue in appeals courts.

11/19/2013 5:50 AM EST
NAIROBI, KENYA: A high-powered parliamentary delegation will today meet a committee of the House of Commons in their bid to lobby Parliament to reject a move by the British Government to impose a ban on miraa or restrict its sale.

11/19/2013 5:50 AM EST
Twenty-three foreigners have been arrested in a major crackdown conducted by police in Mombasa as part of security measures put in place for the festive season.

11/19/2013 5:48 AM EST
Jubiliee members have asked President Uhuru and Deputy President William Ruto to withdraw Kenya Defence Forces troops from Somalia.

11/19/2013 5:39 AM EST
The United States joined partners from over 40 countries, international organizations, and the private sector in Djibouti, November 10--14, for the 15 th Plenary of the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia.

11/19/2013 5:19 AM EST
The outcome of voting at the United Nations Security Council on the ICC was disappointing but not discouraging going by the show of solidarity and efforts from friendly countries, Foreign Affairs and International Trade Cabinet Secretary Amina Mohamed has said.

11/19/2013 5:17 AM EST
Mohammed Ahmed Mohamed, a 27-year-old British citizen of Somali descent, was allegedly tortured in Somalia with the complicity of UK authorities. He was then flown to Britain, where his democratic rights were further abused.

11/19/2013 4:59 AM EST
Efforts to stop the spread of polio in the Horn of Africa region are being ramped up with major immunization campaigns underway, targeting millions of vulnerable children.

11/19/2013 4:13 AM EST
The African Union Mission in Somalia (AMISOM) is concerned about the rift between President Hassan Sheikh Mohamud and Prime Minister Abdi Farah Shirdon, AMISOM spokesman Colonel Ali Aden Humad said at a press conference in Mogadishu Sunday (November 17th).

11/19/2013 4:00 AM EST
Food and medical supplies have begun to arrive in Somalia's northeastern Puntland region, badly hit by a ferocious storm and flooding, the United Nations has said.

11/19/2013 3:46 AM EST
Gunmen attacked a police station in central Somalia on Tuesday after blowing the gates of the compound with a car bomb, a legislator said.

11/19/2013 3:42 AM EST
The United Nations Security Council today reiterated its calls on the international community to fight piracy and armed robbery at sea, which continue to pose a threat to the delivery of humanitarian aid to the country.

11/19/2013 3:36 AM EST
U.N.-backed African Union peacekeepers in Somalia, bolstered by more than 4,000 new soldiers, may return to the attack against al Qaeda-linked militants, a senior AU commander said on Monday.
Click here