4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay Qorshaha Dowladda ee ku Aaddan Amniga, Cadaaladda iyo Habeynta Dhaqaalaha


Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay qorshayaasha xukuumadda ee dhinacyada sugidda ammaanka, cadaaladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka isagoo xusay in dowladdu ay xoogga saari doonto hirgelinta qodobbadan oo dhan.

Mudane Saacid wuxuu sheegay in sumcadda iyo dowladnimada Soomaaliya ay ku jirto in si buuxda loo milkiyo ayaaha dalka lana helo nabad ay dadka oo dhan harsadaan.

“Waan ku qasbannahay in cid kasta oo jidka cad ee aan ku soconno isku-dayda inay naga leexiso ama carqaladeyso inaan iska qabano. Waxaana ku gaari karnaa taas inaan helo awood ciidan oo aan ku muquunino cadowga dalka iyo dadka Soomnaaliyeed ee isugu jira argagixisada, burcadbadeedda iyo kuwa caadaystay inay shacabkeena intiisa tabarta daran dhibaateeyaan. Ujeedka qorsheheena ku aaddan sugidda amnigu waa sidaas, waana taas mida caalamku ku qancay ayna doonayaan inay nagu taageeraan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo qaatay qorshaha dowladda ee ku saabsan cadaaladda, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay inay cadaalad ku shaqeyso lana dhameeyo ku takri-falka awoodda iyo xadgudub walba oo ka dhan ah bani’aadamka.

“Waxaan naga go’an in caddaaladdu shaqayso oo ay joogsadaan ku takri-falka awoodda iyo xadgudubka xuquuqda shacabka nooc kasta oo uu yahay. Si aan taas uga guul-gaarno waxaan dejinnay qorshayaal socon doona afar sano oo aan beesha caalamka u gudbiny, taasoo aan ku fariisinayno habka cadaaladda dalka,” ayuu yiri Saacid.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dib-u-habeynta laamaha cadaaladda dalku ay ka mid tahay arrimaha ugu waaweyn ee dowladdu ay doonaysay inay kaalmooyin uga hesho calaamka, si qof walba oo Soomaali ah uu u heli lahaa cadaalad.

“Waxaan ku rajo waynahay inaan unugyada caddaaladda dib-u-habayno oo ay maxkamadaha dalku si hufan u shaqeeyaan, xabsiyada oo dhanna ay dib u howl-galaan, iyadoo ujeedku yahay in dambiilaha laga qabto ummadda, qof kastana uu helo caddaalad ku filan,” ayuu mar kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu ka hadlay dib u habeynta dhaqaalaha dalka, isagoo sheegay in qodobkan uu ka mid yahay saddexda qodob ee ugu waaweyn ee ay dowladdu doonayso inay salka dhulka u dhigto.

“Maamulka iyo maareynta dhaqaalaha dalka maahan arrin sahlan maadaama ay xilli hore burbureen hay’adihii maamulka dhaqaalaha sida bankiyadii. Waana arrin aan u aragnay ka dowlad ahaan inay muhiimad weyn leedahay. Sidaas daraadeed, waxaan dajinay qorshe cusub oo suuro-gal ka dhigi kara in dalka uu yeeesho nimaad maamul dhaqaale oo hufan; si ay u suurogasho inaan dhaqaalaha dalkeena aan lagu takri-falin ama aan lagu bixin mashaariic aan faa’iido badan u lahayn ummadeena,” ayuu yiri Saacid.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in dawladda Soomaaliya ay gudbisay qorshe ballaaran oo ka turjumaya baahideena ku aaddan sidii Soomaaliya dib loogu soo dhisi lahaa loona hormarin lahaa. Isagoo xusay in lagu taageeray dhammaan qorshayaashii ay gudbisay oo uu ugu horreeyo sidii amniga guud ee dalka lagu hanan lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya