3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 8 , 2013
Mid ka mid ah Guddoomiyeyaasha Xaafadaha Magaalada Baydhabo oo lagu dhaawacay Bam Gurigiisa lagu Weeraray

Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha xaafadda Howl-wadaag ee degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, Khaliif Ibraahim ayaa lagu dhaawacay bam-gacmeed xalay lagu weeraray gurigiisa, iyadoo dhaawaca gaaray la sheegay inuu yahay aad u culus, waxaana la dhigay isbitaalka weyn ee Baydhabo halkasoo lagu daweynayo.

Taliyaha ciidamada madaniga ah ee Baydhab, Isaaq Cali Aadan ayaa u sheegay warbaahinta in la qabtay ruuxii bamkaas ku weeraray guriga guddoomiye xaafadeedka dhaawacmay, kaasoo isla goobtaas lagu dilay, iyadoo maydkiisa la dhigay bartamaha magaalada, gaar ahaan halka loo yaqaan afar-irdoodka.

Dadweyne badan ayaa isugu soo baxay halka lasoo dhigay maydka iyadoo la sheegay in ruuxan uu ka mid ahaa dadka ku nool xaafadda, isagoo horayna uga soo goostay Al-shabaab, lamana yaqaan sababta keentay inuu guriga guddoomiyaha bam ku weeraro.

Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay waddada aadda deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo 12-km u jirta Baydhabo ayaa waxaa  waddada u galay kooxo hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab, halkaas waxaa ka dhacay dagaal aad u culus oo sababay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Lama oga inta uu le’eg yahay khasaaraha, mana jirto cid dagaalkaas ka hadashay, iyadoo dagaalkan uu qayb ka noqonayo dagaallo dhawaanahan ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Hiiraan Online, Baydhabo













Click here
5/8/2013 3:21 PM EST
Arboco, May 8, 2013 (HOL) - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan la filayaa in kulan la qaato Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London.

5/8/2013 2:47 PM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Degmada Baydhabo ayaa waxaa ka dhacay gallabta dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka gobolka iyo ciidammo ka yimid jiidaha hore ee dagaalka, kuwaasoo dhawaanahan kusoo qulqulayay gudaha degmada, waxaana maamulku uu ku eedeeyay ciidamadan inay ku kacaan falal ay shacabka ku dhibaateynayaan oo uu ka mid yahay dhaca.

5/8/2013 2:36 PM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay afar askarina way ku dhaawacmeen bam-gacmeed lagu weeraray ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo ku sugnaa degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

5/8/2013 1:36 PM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) —Kuwait ayaa ugu deeqday Soomaaliya lacag gaaraysa 13-milyan oo doollar, taasoo qayb ka ah qorshaha lagu doonayo in Soomaaliya lagu caawiyo, iyadoo sheegtay in lacagtan ay ugu talogashay dib u dhiska Soomaaliya.

5/8/2013 1:34 PM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 55-qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan booliiska iyo maxaabiis ayaa lagu dilay weerar ay kooxda islaamiga ah ee Boko Haram ay ku qaaday gobol ku yaalla waqooyi-dalka Nigeira oo lagu magacaabo Borno.

5/8/2013 8:41 AM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Maamulka Somaliland ayaa soo dhaweeyay go’aannadii kasoo baxay shirkii London lagu qabtay shalay oo Salaaso ahayd kaasoo looga hadlayay horumarinta Soomaaliya iyo sidii beesha caalamku ay isku garab-taagi lahayd Soomaaliya si dib loogu soo celiyo sharciga iyo kala-dambeynta.

5/8/2013 8:40 AM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan ayaa ka gudoomay taliyaha ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad deeq la soo gaarsiiyay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan.

5/8/2013 5:32 AM EST
Arboco, May 8, 2013 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qayb-galay shir looga hadlayey sidii ganacstada Soomaaliya iyo ganacsatada dalka Britain ay uga wada faa'iideysan lahaayeen fursadaha dhaqaale ee ka jira dalka Soomaaliya.

5/8/2013 3:46 AM EST
Arbaco, 08 May, 2013(HOL) :- Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa ka cabanayo sare u kac xooggan oo ku yimid qiimaha lakala siisto noocyada kala duwan ee khudaarta kadib markii ay roobab xireen wadadii ay soo mari jireen gaadiidkii qudradda ka keeni jira deegaanada gosha ee gobolka J/hoose.

5/8/2013 3:38 AM EST
Arbaco, May 08, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka hadlay qorshayaasha xukuumadda ee dhinacyada sugidda ammaanka, cadaaladda iyo dib u habeynta dhaqaalaha dalka isagoo xusay in dowladdu ay xoogga saari doonto hirgelinta qodobbadan oo dhan.