4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bay oo Xaflad ka dhacday Degmada Baydhabo ku wareejiyay xilkii Maamulka Gobolka

Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Gudoomiyihii hore ee gobolka Bay, C/fitaax Ibraahim Maxamed (Geeseey) ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Cabdi Aadan Hesoow oo ah guddoomiyaha cusub ee dowladda Somalia ay u magacowday guddoomiyaha gobolka Bay.

Xil wareejintan oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Baydhabo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Somalia, C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, taliyeyaasha ciidamad AMSIOM iyo Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladda.

Wafdiga dowladda oo saakay gaaray magaalada Baydabo ayaa waxaa la socday guddoomiyihii hore ee gobolka Bay, C/fitaax Geeseey, waxaana uu socdaalkooda salka ku hayay xil wareejinta maamulka gobolka Bay. 

Sidoo kale waxaa goobta xilalka lagula kala wareegayay ku sugana wax-garadka, qabaha kala duwan ee bulshada iyyo gudiga maamulka cusub ee gobolka oo ay ku jireen xubnihii horay u dalbaday in maamulka cusub loo dhiibo Hesoow.

Maamulka cusub ee gobolka Bay ayaa waxaa xilkan loo magacaabay sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo uu ka dhashay muran qaabkii uu xilka ku wareejin lahaa guddoomiyihii hore, inkastoo ay dowladdu xal ka gaartay murankaas.

Hiiraan online, Baydhabo