4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 3 , 2013
Kulanka Baarlamaanka Somalia ee Maanta oo lagu wado in Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu khudbad ka jeediyo


Axad, Maarso 03, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa lagu wadaa in khudbad uu kaga warramayo howlaha u qabsoomay xukuumadda uu ka jeediyo maanta fadhiga baarlamaanka uu ku yeelanayo xaruntiisa Muqdisho.

Kalafdhiga labaad ee baarlamaanka ayaa waxaa shalay si rasmi ah u furay madaxweyne Xasan Sheekh Maaxamuud, kaddib muddo laba bilood ah oo ay xidlhibaannada baarlamaanka ku maqnaayeen fasaxoodii sannadkan, iyadoo kalfadhigan uu socon doono tan iyo dhammaadka sannadkan.

“Ra’iisul wasaaruhu wuxuu khudbadiisa kaga hadli doonnaa waxayaabihii u qabsoomay xukuumadda iyo waxyaabaha ay baarlamanaka ka doonayaan,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed C/llaahi Cali oo ka mid ah howl-wadeennada baarlamanka Soomaaliya oo saxaafadda la hadlay.

Xukuumadda Soomaaliya oo jirta muddo saddex bilood ah ayaa waxay dadaal badan ugu jirtaa sidii ay hoggaanka ugu qaban lahayd maamullada loo sameynayo gobollada dalka iyo inay dib u soo celiso ammaanka guud ee dalka, iyadoo ra’iisul wasaaruhu uu dhowr jeer sheegay inay ka go’an tahay inay dalka ka saaraan marxaladdii uu kusoo jiray 22-kii sano ee lasoo dhaafay.

Lama oga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya in khudbadiisa uu kusoo qaadi doono shirka maamul u sameynta Jubbooyinka ee ka socda Kismaayo, kasoo uu maalin ka hor sheegay inaysan dowladdu u aragto mid aan dastuurka waafaqsanayn.

Kulanka baarlamaanka ee maanta ayaa wuxuu noqonayaa kulankii koowaad ee kalfadhigii labaad ee baarlamaanka, iyadoo guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in kulammada hore ee baarlamaanka lagu dhageysan doono wixii u soo qabsoomay xildhibaanno tagay gobollada dalka qaarkood.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya