4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 23, 2013
Xaalad Cabsi leh oo ka Taagan Magaalada Marko iyo Saraakiil ka tirsan kuwa Dowladda oo saakay u Ambabaxay

Sabti, Maarso 23, 2013 (HOL) — Xaalad cabsi leh ayaa saakay ka taagan degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose, kaddib markii uu shalay halkaas ku dhexmaray dagaal khasaare geystay askar kawada tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya; iyadoo saakay ay degmadaas aadeen saraakiil ka tirsan kuwa dowladda.

Goobjoogayaal ku sugan degmada ayaa sheegay inay saakay cabsi weyn ka jirto degmada, iyadoo ciidamadii dagaalamay ay weli ku sugan yihiin bartii koontarool ee ay ku dagaalameen, iyadoo saakay uu aad u yar yahay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Mas’uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmada ayaa sheegay in khilaafkan lagu xallin doono wadahadal maanta, iyagoo sheegay in saraakiil ka tisran kuwa dowladda ay sugayaan.

“Ciidamada AMISOM ayaa ku dhexjira labada dhinac, mana jiraan dagaallo kale oo dhexmaray, waxaana la sugyaa saraakiil si rasmi ah labadaas ciidan kala qaada oo Muqdisho ka imaanaya,” ayuu yiri mid ka mid ah guddoomiye ku xigeennada maamulka gobolka gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii shalay oo ka dhashay muran soo dhexgalay ciidammo u sugan bar koontrool oo laga galo degmada Marko ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyadoo dadka dhaawacmay uu ku jiray sarkaal ka tirsan guutada shanaad ee ciidamada xoogga dalka.

Cabsida ka jirta degmada Marko ayaa waxaa la sheegay inay salka ku hayso inay mar kale isku dhacaan ciidamadii shalay dagaalamay, waxaana tani ay ka dhigtay degmada meel aan howlaheedii caadiga ahaa saakay ahayn sidii hore.

Wararka laga helayo degmada ayaa sheegaya in ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM la geeyay goobtii lagu dagaalamay, kuwaasoo isku dayay inay ka horagaan dagaallo mar kale ka dhaca koontaroolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya