Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee USN, Daahir Axmed Faarax ayaa maanta la horgeeyay maxkamadda sare ee Jabuuti, iyadoo lagu eedeeyay inuu kiciyay kadoonno dhibaatoyin badan dhaliyay, balse dib ayay u dhigtay maxkamaddu go’aan ka gaarista dacwaddiisa.
![]() |
“Maxkamaddu waxay dib u dhigtay go’aan ka gaarista dacwadda afhayeenka mucaaradka, kaddib markii la dhageystay cadeymihii ku markhaati kacayay, waxaana mar kale la horkeeni doonaan 17-ka bishan,” ayuu yiri Jaamac VOA-da la hadlayay.
Afhayeenka isbahaysiga USN ayaa la hakiyay dhaqdhaqaaqiisa bishii hore kaddib markii ay billowdeen dibadbaxyo looga cabanayay doorashada, iyadoo markii dambena xabsiga loo taxaabay.
Sidoo kale, xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in qareenka u doodaya afhayeenka xisbiga mucaaradka ah lana dhageysiiyay cadeymaha loo hayo dacwadda lagu soo eedeeyay Axmed Deef. Balse garyaqaanku lama uusan hadlin war-baahinta.
Maxkamada dalka Jabuuti ayaa toddobaadkan xukunno min laba sano ah ku xukuntay saddex wadaad oo lagu eedeeyay inay rabshado ka abaabuleen dalkaas, kuwaasoo kala ahaa: C/raxmaan Suleymaan Bashiir, Cabdiraxmaan Barkhad Gurad iyo Giirre Meygaag.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
.jpg)