Arbaco, Maarso 13, 2013 (HOL) — Laamaha ammaanka ee Somaliland ayaa Puntland kusoo wareejiyey nin la rumeysan yahay inuu qayb ka ahaa kooxdii fulisey dilkii AHN Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamey) oo 15/2/2013 lagu diley magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
![]() |
Mas'uuliyiin uu horkacayo wasiirka amniga ee Puntland iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Puntland ayaa maanta ninkan kala soo wareegey dhinaca Somaliland, waxaana soo wareejinta oo ahayd mid ay horay labada dhinac isugu afgarteen ay ka dhacday deegaanka Tuka-raq.
Horay ayaa loo qabtay Cabdiraxmaan Xussen Jaamac Bile oo isagu ah gacan ku-dhiiglihii sheekha diley, waxayna saraakiil booliska ka tirsani sheegeen in dhamaan edeysaneyaasha sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo soo taagi doono.
Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo ka tirsanaa jamaacada Al-ictisaam, wuxuu sidoo kale qayb ka ahaa culimada diinta ee ugu waaweyn guud ahaan dhulka Soomaalida, waxaana la toogtey bishii hore ee Febaraayo xilli uu salaadda casarka ku tukanayey masjidka Beder ee magaalada Garoowe.
Si kastaba ha ahaatee dhowaan ayey ahayd markii ay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland dil ku xukuntay 12-qof oo ku eedeysnaa dilkii AHN Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo isagana 5/12/2011 lagu diley magaalada Boosaaso.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
