4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Afhayeenka Al-shabaab oo sheegay inay Maxaabiis ahaan u haystaan Qaar ka mid ah Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM


Sabti, Juun 08, 2013 (HOL) — Afhayeenka guud ee Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo la hadlayay idaacado taageera Al-shabaab ayaa sheegay maanta inay gacanta ku hayaan ciidammo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Sheekh Cali Dheere wuxuu sheegay in sida laga yeelayo ciidamadaas ay ka tashan doonaan madaxda Al-shabaab, isagoo xusay inay kordhin doonaan dagaallada ay kula jiraan ciidamada AMISOM ee caawinaya dowladda Soomaaliya.

“Al-shabaab ayaa go’aan ka qaadan doona sida laga yeelayo maxaabiista AMISOM ee gacanta ugu jira, waxaa noo bannaan inaan maxabiistaas ku furanno dagaalyahanno gacanta ugu jira dowladda, waxaa sidoo kale noo bannaan inaan dilno, waxaa noo banaan inaan iska sii-dayno,” ayuu yiri afhayeenka Al-shabaab.

Ma sheegin tirada ciidamada AMISOM ee ay gacanta ku hayaan iyo halka ay ku hayaan midna, wuxuuse sheegay inay ku qabsadeen dagaallo kala duwan oo ay kula galeen gobollada dalka qaarkood.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in dhawaanahan ay bedeleen habkii dagaalka, ayna xoogeysteen weerarrada gaadmada ah ee lala beegsanayo ciidmada AMSIOM ayna sii socon doonaan weerarradaas inta ay dalka ka baxayaan.

“Waxaan horay u dagsannay nooc cusub oo dagaal ah, kaasoo ah inaan si gaadmo ah ku ugaasanno ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ay ka helaan garabka ee AMISOM ee walba oo aan ku aragno,” ayuu afhayeenku hadalkiisa raaciyay.

Afhayeenku wuxuu sidoo kale wareysigiisa uu ku sheegay in qorshayaasha dagaal ee ay dajiyeen ay ka fuliyaan Muqdisho iyo deegaanno kale oo ka mid ah dalka, isagoo xusay in ciidamada ay la dagaalamayaan aysan garanayn xilliyada ay weerarka ku qaadayaan iyo goobaha xoogaggood ku sugan yihiin.

Sheekh Cali Dheere wuxuu qiray in ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay isku ballaarinayaan gobollada dalka Soomaaliya ayna ku sugan yihiin meelo badan oo dalka ah, isagoo sheegay inay kula dagaalami doonaan meel walba oo ay tagaan illaa ay isaga baxaan.

“Bashaar ayaa soo socota, dagaalladu waa sida ay u billowdeen waxaana sii wadi doonnaa inaan qaarkoodna dilno qaarka kalena aan maxaabiis ahaan u soo qabqabsanno, rajada aan qabnana waa inay ugu dambeyn dalka isaga baxaan iyagoo dhibaato xooggan ay gaartay,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku sheegay.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Ciidamada AMISOM oo xaqiijinaya in maxaabiis ka tirsan ciidamadooda ay gacanta ugu jiraan Al-shabaab iyo in kale, waxaase horay ay Al-shabaab u soo bandhigeen maxbuus ka tirsan ciidamada Burundi ee qaybta ka ah AMISOM oo ay ku qabsadeen dagaallo sannadkii 2011 ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Hadalka afhayeenka guud ee Al-shabaab ayaa imaanaya iyadoo maanta uu k dhacay deegaan duleedka ka xiga degmada Buur-hakaba dagaal la sheegay in ciidammo ka tirsan AMISOM ay ku dhinteen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya