4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 8 , 2013
Ciidanka Maamulka Axmed Madoobe oo si Buuxda ula Wareegay Kismaayo iyo Faahfaahinta dagaalkii Maanta Dhacay


Sabti, June 08, 2013(HOL) :- Ciidamadii taabacsan maamulka uu hogaamiyo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaalada Kismaayo kadib dagaal qaraar oo ay gudaha magaalada kula galeen ciidamo taabacsanaa Iftiin Xasan oo ka mid ah masuuliyinta sheeganeeysa madaxweeynenimada Jubbaland.

Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u xooggan ayay labada dhinac isu adeegsadeen hub aad u culus, waxaana dagaalkaasi uu sababay dhimashada in ka badan 10 qof iyo dhaawaca ku dhawaad 20 qof, kuwaasoo isugu jira dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaalamayay.

Ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayay u suurogashay in ay la wareegaan gacan ku heynta magaalada, kadib dagaal kulul oo qaatay ku dhawaad laba maalmood oo ay la galeen ciidamo uu horkacayay Iftiin Xasan Baasto oo isagu kamid ah masuuliyiinta sheeganeeysay xilka madaxtinimo ee maamul goboleedka Jubbaland.

Dagaalkii maanta ayaa ka duwanaa kii shalay, waxaana uu socday in ka badan shan saacadood, iyadoona dagaalkii maanta uu sababay khasaarooyin lixaad leh iyo bur bur xooggan oo soo gaaray qaar kamid ah dhismayaasha ku yaal halkii uu dagaalka ka qarxay.

Xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-Afmadow ayaa ahayd halka uu ka dhacay dagaalkii ugu xoogga badnaa, waxaana jiro goobo ganacsi iyo guryo ay leeyihiin dad rayid ah oo ku burburay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Madaxweeyne ku xigeen Jubbaland garab uu hogaamiyo Axmed Madoobe, C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dagaalka ka dib shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ay magaalada ka saareen kooxo uu ku tilmaamay Al-shabaab, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Soomaaliya in ay hubeeysan kooxahaasi.

Masuulkan ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen laba nin oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasoo uu xusay in ay ka qeybqaadanayeen dagaalkii maanta ka dhacay Kismaayo.

Xaaladda magaalada ayaa dagan walow ay jirto cabsi laga qabo in ay mar kale soo rogaaal celiyeen ciidamadii looga itaal roonaaday dagaalkii maanta, waxaana maanta dagaalkii maanta uu saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii kala duwanaa ee shacabka reer Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya