3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
MADAXWEYNAHA SOMALILAND: "Ma ahan wax sahlan in Somaliland Waddan Madaxbannaan loo Aqoonsado"


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo wareysi gaar ah siiyay Tv-ga Al-Jazeera ayaa sheegay in Somaliland loo aqoonsado dal madax-bannaan aysan ahayn mid fudud, balse caalamka ay kala dhexeyso wadashaqeyn dhab ah.

Siilaanyo ayaa wareysigiisa ku sheegay in Somaliland aysan dib ula midoobi doonin Soomaaliya, balse ay sii wadi doonaan wadahadallada kala dhexeeya dowladda Soomaaliya si ay wadashaqeyni u dhexmarto.

“Somailland ma helin wax aqoonsi tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, wax fududna ma ahan in aqoonsi aan helno, balse beesha calaamku si dhab ah ayay noola shaqeysaa. Taasina waxay muujinaysaa inaanan caalamka ka go’nayn. Anigu waxaan aadaan dalkii aan doono oo caalamka ah, iyaguna way noo yimaadaan, taageero aan helnaa waala la shaqeynaa caalamka,” ayuu kaga jawaabay Siilaanyo sababta loo aqoonsan la’yahay muddo 22-sano ah.

Madaxweynaha Somaliland wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in aqoonsi ay heli doonaan, isagoo sheegay in Soomaaliya iyo Somaliland ay muddo dheer kala ahaayeen laba dal oo ay kala gumeysan jireen Talyaaniga iyo Ingiriiska ayna filayaan in sida Jabuuti oo ay gumeysan jirtay Faransiiska  loo ogolaado Somaliland inay noqoto dowlad madax-bannaan.

Su’aal ahayd in markii uu booqday Mareykanka uu kasoo helay ballan-qaad ah in Somalliland la aqoonsan doono iyo in kale ayuu yiri: “Maya, laakiinse waxay noo sheegeen inay lana shaqeynayaan oo ay na caawinayaan.”

Ugu dambeyn, mar la weydiiyay sida uu u arko fikirka madaxweynaha Soomaaliya oo ah in Soomaaliya ay mid ahaato, ayuu kaga jawaabay in iyagu ay qabaan in Soomaaliya iyo Somaliland ay yihiin laba dal oo jaar ah, marna aysan ogoleyn inay la midoobaan, balse ay doonayaan inay si wadajir ah ay u shaqeeyaan.

Somaliland ayaa 22-sano ka hor ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, iyadoo aan weli helin wax aqoonsi ah, iyadoo taasi ay caqabad ku noqotay in Somaliland ay noqoto dal madax-bannaan oo Afrika ka tirsan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
6/6/2013 2:39 PM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maanta kulan la qaatay ardayda wax ka barata Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama. Kulanka ardeyda iyo Prof. Samatar ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay maamulka jaamacadda iyo mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland.

6/6/2013 2:06 PM EST
Hees: Dhibaatada Haysata Soomaalida Ku nool Koofur Afrika

6/6/2013 11:18 AM EST
Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu dhawaan gudaha Kismaayo loogu doortay madaxweeynaha Jubbaland ayaa maanta u ambabaxay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

6/6/2013 9:03 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Afar qof ayaa ku dhimatay todoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaarey Shil-gaari oo saqdii dhexe ee xalay ka dhacay meel 180-km magaalada Boosaaso bariga kaga aadan.

6/6/2013 9:01 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulankoodii toddobaadlaha ahaa ku yeeshay Muqdisho ayaa waxay kaga hadleen dhirirka xuduudaha badda Soomaaliya, iyagoo go’aanno arrintaas kasoo saaray go’aanno. Iyadoo warsaxaafadeed kasoo baxay kulanka lagu yiri:

6/6/2013 7:26 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa dooni laga leeyahay dalka Hindiya ka qabsaday gelinkii hore ee shalay meel 20 mayl u jirta dekedda magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

6/6/2013 7:16 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Munaasabad si qurux badan loo soo agaasimay laguna maamuusayay 36 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Jabuuti, ayaa lagu qabtay xerada Ceel-jaalle ee dulleedka magaalada Baladweyne oo saldhig u ah ciidamada Jabuuti ee howlgalka midowgga Africa AMISOM.

6/6/2013 7:16 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) — Hay’adda Samafalka waddaniga ah ee HARO (Humanitarian Africa Relief Organization) ayaa deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo booroosooyin ah u qaybisay dad dan-yar ah oo ku nool degmada wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana dad deeqdan ka faa’iideysatay ay kor u dhaafayeen illaa 1,000 qof oo isugu jiray qaybaha kala duwan ee bulshada.

6/6/2013 6:11 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Laba ciyaarood oo aad u adag, ayaa shalay iyo xalayba ka dhacay garoomadda ciyaaraha ee magaalada Hargeysa, waxaana iskaga hor yimid goboladda Gabiley iyo Togdheer, Awdal iyo Sool, Saaxil iyo Togdheer.

6/6/2013 6:08 AM EST
Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Qaar kamid ah xildhibaanada Soomaalida ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka dalka Kenya, ayaa xalay magaalada Nairobi casho-sharaf ugu sameeyey madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo muddo todobaad ah socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya.

6/6/2013 3:27 AM EST
Khamiis, June 06, 2013Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa cabasho ballaaran ka muujiyay kooxo hubeeysan oo xilliyada habeenkii ah dadka isbaareeysta islamarkaana ka qaata moobeelada gacanta iyo waxyaalaha ay wataan.

6/6/2013 2:52 AM EST
Khamiis, June 06, 2013(HOL) :- Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dib u qabsaday magaalada xuduuda ku taal ee Qusayr kadib dagaallo socday isbuucyo oo ay la galeen mucaaradka dalkaasi.

6/6/2013 1:54 AM EST
Kahmiis, Juun 5, 2013 (HOL) Culumada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa si weyn uga hadlay dilka naxariis-darrada ee loogu geysanayo Soomaalida ku nool dalka Koofur Africa, waxayna ku baaqeen in Soomaalida meel kasta oo ay joogaan ku bannaanbaxaan.