4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 6 , 2013
Xildhibaanno Kenyan ah oo Casho Sharaf Magaalada Nairobi ugu Sameeyey Madaxweynaha Puntland iyo Wafdigiisa (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 06, 2013 (HOL) —Qaar kamid ah xildhibaanada Soomaalida ee ku jira labada aqal ee baarlamaanka dalka Kenya, ayaa xalay magaalada Nairobi casho-sharaf ugu sameeyey madaxweynaha Puntland iyo wefdi uu horkacayo oo muddo todobaad ah socdaal shaqo ku jooga dalka Kenya.

Xildhibaanadan oo ay tiradoodu ahayd 13-xildhibaan, ayaa casho-sharafta kaddib goobta ka jeediyey hadallo kookooban oo u badnaa kuwo ay kusoo dhoweynayeen wefdiga madaxweyne Faroole, islamarkaana ay ku ammaaneen kaalinta Puntland ay kaga jirto siyaasadda dalka.

Arimaha intiii ay xafladdu socotey lasoo hadal qaaday, waxaa sidoo kale kamid ahaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, horumarka laga sameeyey dhinaca ammaanka iyo maamulka uu dhismihiisu muranka badan dhaliyey ee Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland oo isna dhankiisa goobta ay xafladdu ka dhacday hadal kooban ka jeediyey, ayaa wax ka taabtay arimo ay kamid yihiin dhaqan-gelinta nidaamka federaalka iyo ku-dhaqanka dastuurka, isagoo tilmaamay in ay waajib tahay in dastuurka lagu dhaqamo.

Xafladda casha sharafta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, waxaa sidoo kale kasoo qayb galay qaar kamid ah ganacsatada waaweyn ee Soomaalida iyo marti-sharaf kale oo badan.

Wefdiga Puntland oo todobaad kahor kasoo kicitimay magaalada Garoowe, waxay sidoo kale isla shalay magaalada Nairobi kulamo gooni gooni ah kula yeesheen mas'uuliyiin ka kala tirsan Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo safiirka dalka Britain u qaabilsan Soomaaliya.

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya