4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 30, 2013
Maamulka Sh. Axmed Madoobe oo si buuxda ula wareegay gacan ku haynta Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose

Axad, Juun 30, 2013 (HOL) — Ciidamada Maamulka Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa la wareegay gacan ku haynta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaddib dagaallo saddexdii maalmood ee ugu dambeeyay ka socday gudaha magaaladaas.

Dhinacyadii kasoo horjeeday maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay isaga baxeen magaalada kaddib markii culeys ciidan la saaray, iyagoo ku sugan haatan duleedyada magaalada Kismaayo.

Wariyaha HOL ee Kismaayo, Xasan Nuur ayaa soo sheegaya in shacabku ay isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada si ay u arkaan wixii ay geysteen dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka socday Kismaayo.

Col. Barre Hiiraale, Cabdi Baalleey iyo Iftiin Xasan Baasto oo ahaa raggii isku bahaystay dagaalka Kismaayo ayaa la sheegayaa inay iyaguna ka baxeen gudaha magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin dhul-buuraley ah oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada.

“Xaaladda magaalada Kismaayo waa daggan tahay, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada maamulka Sheekh Axmed Madoobe, dadkuna dibada ayay guryahooda uga soo baxeen markii ugu horreysay muddo saddex maalmood ah,” ayuu yiri Xasan Nuur.

Ma jirto mas’uul ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland oo ka hadlay isbedelka ka dhacay magaalada, waxaana weli gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamada maamulka oo wata gaadiidka dagaalka oo marba dhinac u socda.

“Hadda waxaa socda aasidda maydadkii ku dhintay dagaalladii socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo banaanka iska yaalay tan iyo xilligaas, wax xabad ah oo magaalada laga maqlayana ma jirto” ayuu wariye Xasan Nuur ku daray hadalkiisa.

Dagaalladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30-qof oo isugu jiray shacab iyo dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo qaarkood lagu daweynayo isbitaalka guud ee Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya