4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Marwada Madaxweynaha Soomaaliya oo deeq kala duwan gaarsiisay Xarun wax lagu baro Gabdho Agoon ah (SAWIRRO)


Khamiis, July 04, 2013 (HOL) — Marwda madaxweyaha Soomaaliya, Qamar Cali Cumar ayaa maanta deeq gaarsiisay xarunta waxbarashada gabdhaha agoonta ah ee degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Marwo Qamar ayaa kala qaybgashay munaasabad lagu maamusayya sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la aas-aasay xarunta, taasoo ay wax ka bartaan gabdho fara badan.

Deeqdii ay marwadu gaarsiisay xaruntan ayaa waxaa ka mid ahayd dharka lagu dhigto iskuullada iyo sariiro ay ku seexdaan gabdhaha agoonta ah ee wax-ku-barta xaruntan.

Guddoomiyha degmada Boondheere, C/llaahi Xirsi Wardheere (Istakiin) iyo qaybaha kala duwan ee bulsada degmada Boondheere oo xafladda goob-joog ka ahaa ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso ka turjumaya qiimaha nabada iyo in la taakuleeyo caruurta agoonta ah.

Intaas kaddib ayay marwada madaxweynaha Soomaaliya waxay gabdhahaas agoonta ah gacanteeda ugu qaybisay dharka iskuullada iyo go’yo loogu talo-galay  in lagu goglo sariiraha.

"Qorshayaasha dowladda waxaa ka mid ah in la caawiyo agoonta sidiinna oo kale ah iyo dadka jilicsan si bulshada inteeda kale ay wax ula qaybsadaan," ayay marwada madaxweynaha ka sheegtay goobta, iyadoo ballanqadday in lasii wadi doono taageerada la siinayo gabadhaha Soomaaliyeed ee agoonta ah.

Sidoo kale, marwo Qamar waxay sheegtay in caruurta agoonta ah eek u nool Muqdisho ay haystaan dhibaatooyin fara badan, isla markaana looga baahan yahay shacabka Soomaaliyeed inay kaalmeeyaan caruurtan oo mustaqbalka anfacaya dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyadoo kula dar-daarantay guud  ahaan shacabka Soomaalliyeed in caruurta agoonta ah la garab-istaago.

Maamulaha xaruntan, Nuurto Maxamed Cabdi ayaa sheegtay in xaruntan oo sannadkii hore la aas-aasay ay wax badan qabatay, ayna ku guuleysateen in ay isku-soo-uruuriso gabdhaha agoonta ah ee degmadaas ku dhibaateysnaa, kuwaasoo maanta u dabaal-dagay sannadguuradii koowaad ee ay xaruntaas wax-barashadooda ka billaabeen.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha degmada Boondheere ayaa isaguna sheegay in xaruntan furitaankeeda ay hirgeliyeen shacabka degmadaas ku nool oo gacan ka helaya hay’ad Turkish ah oo dalka u joogto howlo samafal ah.

Xaruntan xannaanada iyo waxbarashada gabdhaha agoonta ah ee degmada Boondheere ayaa waxaa la aas-aasay bishii July ee sannadkii hore, waxaana maanta ay ku beegneyd sannad-guuradeedii koowaad ee kasoo wareegtay markii dhidibbada loo taagay.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya