4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 4 , 2013
Waxgaradka kasoo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo oo Xukuumadda Kenya ugu baaqay inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia

Khamiis, July 04, 2013(HOL):- Baaq ay soo saareen qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobollada Jubooyinka iyo Gedo ayay si kulul ugu cambaareeyeen ciidamada dowladda Kenya ee ku sugan ku sugan gobolladaasi, iyagoona ka dalbaday in ay si degdeg ah ciidamadeeda ugala baxdo gobollada Jubooyinka iyo Gedo.

Kulan ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Gedo sida odoyaal dhaqameed, culumaa’udiin, dhalinyaro, haween, aqoonyahanno iyo waxgarad kale ayay dowladda Kenya ku eedeeyeen in ay gobollada Jubooyinka ka geysatay tacadiyo isugu jira dilal, kufsi iyo duqeymo ay sheegeen in loo geystay shacab aan waxba galabsan.

 Sidoo kale odoyaashan ayaa baaqoodii ku sheegay in dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Kismaayo ay ku barakaceen dad gaaraya ilaa sideed kun oo qoys, islamarkaana ay jireen dilal iyo dhac gudaha magaalada Kismaayo loogu geystay dad rayid ah.

Qodobada ay odoyaasha ku xuseen baaqooda ayaa waxaa kamid ahaa:-

1. Dowlada Kenya waa in ay Ciidamadeeda ay kala baxdo Gudaha Dalka Soomaaliya.

2. Dowlada Kenya waa in ay mag dhow ay ka bixisaa dhibaatooyinkii ay ka geysatey Goboladaasi.

3. Kenya waa in aysan ku soo xad gudbin Xuduudaha Soomaaliya, dhulka, Badda iyo Cirka, islamarkaana ay dhowrto derisnimo wanaagga.

Gudiga loo Saarey Baaqan iyo Telefonadooda.

1. Suldaan: Maxamed Bashiir Yarow                          Tel.0615595468

2. Nabadoon: Maxamed Bare Salaad                                          Tel.0515811791

4. Nabadoon: Cali Yuusuf Tuurte(Cali Ganey)            Tel.061591449

5. Nabadoon: Maxamed Ibraahin Macuush(Gagale)     Tel.0615393366

6. Nabadoon.  Xasan Cabdile  Aden                           Tel.0618599060  

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya