4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 26, 2013
Madaxweynaha Somalia oo u ambabaxay Itoobiya, halkaas oo uu kaga Qayb-galayo shirka Ururka Midowga Afrika

Sabti, Jannaayo 26, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Sabti ka dhoofay Muqdisho, iyagoo kusii jeeda dalka Itoobiya, halkaasoo ay uga qaybgalayaan shir-sannadeedka Midowga Afrika.

Wafdiga madaxweynaha ayaa waxay ka mid ahaa xubno ka tirsan madaxtooyada, waxaana sii dhaweeyay xubno ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka, ra'iisul wasaaraha, wasiirro iyo xildhibaanno, iyadoo inta uu ku sugan yahay magaalada Addis Ababa kulammo la yeelan doona madaxda Afrikaanka ah ee shirkaas kasoo qaybgalay kuwaasoo uu kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in dowladdiis ay xoogga saari doonto sidii dalka ay nabad ugu soo rogi lahayd ayna ula dagaalami lahayd dambiyada uu ka mid yahay musuqmaasuqa oo inta lagu eedeeyo dowladaha Soomaaliya.

Safarnkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago dalka Itoobiya oo ay ciidammo ka joogaan Soomaaliya, iyadoo kulanka sannadkan ee ururka Midowga Afrika lagu wado in looga hadlayo dalalka ay xasaradaha ka taagan yihiin sida dalka Maali oo dagaallo ay ka socdaan iyo kacdoonnada Masar.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxay u sii dhoofi doonaan dalka Belgium halkaasoo uu kaga qaybgeli doono shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo dalalka Yurub ay ku yeelan doonaan magaaladaas, iyadoo uu dalkan noqonayo dalkii labaad ee ku yaalla Yurub oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tago safar shaqo.

Dhawaan ayaa madaxweynuhu wuxuu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Mareykanka, iyadoo dowladda Mareykanka ay aqoonsatay dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto sidii ay u xoojin lahayd xiriirka caalamka ayna dib ugu soo celin lahayd ammaanka guud ee dalka kaddib 22 sano oo ay colaado jireen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya