Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maxkamad ku taalla dalka Itoobiya ayaa la horgeeyay 10-qof oo loo haysto argagaxisonimo iyo inay xiriir dhowr la leeyihiin Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.
Garsooraha maxkamadda, Bahiru Darecha ayaa sheegay in raggan loo haysto inay sugayeen lacago si gudaha Itoobiya uga fuliyaan weerarro argagaxiso oo ka dhan ah danaha dhaqaale iyo midda siyaadadeed ee dalka Itoobiya.
"Ragga lagu helay dambiga oo 10 qof waxaa qaarkood ay qirteen dambiyada loo haysto oo ah inay xiriira la leeyihiin Al-shabaab," ayuu yiri garsoore Darecha oo sheegay in xukunka raggan lagu dhawaaqi doono bartamaha bishan Jannaayo.
Lix qof oo ka mid ah raggan ayaa maqan, iyadoo garsooruhu uu sheegay in la xukumi doono iyagoo maqan, wuxuuna intaas ku daray in eedeysayaasha dambiga lagu helay uu ku jiro nin u dhashay dalka Kenya oo la hayo caddeymihiisa la xiriira inuu ka tirsan yahay Al-shabaab.
Ruuxa Kenyanka ah oo lagu magacaabo, Xasan Jarso ayaa la sheegay inuu dhowr jeer uu taleefoon kula xiriiray shaqsiyaad ka tirsan Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya.
Xasan Jarso ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay bishii May ee sannadkii hore, balse wuxuu diiday inuu ka mid yahay hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab. Isagoo intaas ku daray inuusan qayb ka ahayn qorshe la doonayay in xeryo tababar ay Al-shabaab ka furato gobolka Oromiya ee dalka Itoobiya.
Sdioo kale, saddex ka mid ah eedeysanayaasha ayaa diiday dambiyadii lagu soo oogay iyagoo sheegay inay yihiin macallimiin wax ka dhiga dugsiyo lagu barto diinta Islaamka, wax lug ahna aysan ku lahayn eedeynaha loo haysto.
Itoobiya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo gacan ka siinaya dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, iyadoo dhowr jeer ay Al-shabaab sheetay inay weerarro la beegsan doonto danaha dowladda Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maxkamad ku taalla Itoobiya oo la horgeeyay Toban ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab
More News
- Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan oo kawada hadlay lacag loo daabacay Dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale
- Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Qayb-galay kulan uu Xisbi Mucaarad ah ku qabtay Muqdisho
- Kenya oo Qalalaasaha ka taagan degmada Gaarisa ku eedeysay Ciidammo ka Tirsanaa Dowladdii hore ee Soomaaliya
- Ganacsatada iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay ka qayb-qaataan dayactirka Tiyaatarka Muqdisho
- Qof lagu dilay Suuqa Dharka ee Kismaayo iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada oo lagu Amray inay halkaas ka guuraan
- Madaxda Somaliland oo ka qaybgashay aas qaran oo loo sameeyey Askar ku gooriyooday shil gaari oo shalay dhacay
- Hay'adda HRD oo Muqdisho ku qabatay Dood ku saabsan sidii lagu horumarin lahaa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed
- Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday inuu shaqaalahooda ka mid ahaa ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha Gobolka
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
- Tirada iyo Dhaqaalaha Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo Korortay 12-kii sano ee lasoo dhaafay