Arbaco, Jannaayo 02, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta iska fogeeyay in ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho uu ka tirsanaa shaqaalahooda, iyadoo maamulku uu sheegay in ruuxaas uu ka mid ahaa darawallo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose.
Warsaxaafadeedkan oo uu ku saxiixnaa afhayeenka maamulka gobolka, Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa lagu sheegay in ruuxan oo lagu magacaabo, Tahliil C/llaahi Nuurre loosoo dhiibay miino loogu talogalay in lagu rakibo xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).
"Markii aan baaris ku sameynay ruuxaan oo saxaafaddu ay ku sheegtay inuu ka mid ahaa shaqaalaha dowladda hoose ee gobolka Banaadir, waxaa caddaatay inuusan ka mid ahayn; laakiin uu ahaa darawal ka mid ha darawallo la shaqeyn jiray agaasimaha guud ee dowladda hoose," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Afhayeenka maamulka gobolka ayaa ku yiri warsaxaafadeedkiisa: "Maamulku wuxuu si cad u sheegayaa in Tahaliil Cabdullaahi Nuurre oo ah qofka miinada loosoo dhiibay uusan ka ka mid ahayn shaqaalaha dowladda hoose ee Muqdisho iyo kuwa gobolka Banaadir."
Ruuxa la sheegay inuu qorsheynayay inuu miinada ku rakibo xarunta gobolka ayaa la qabtay, wuxuuna sheegay inuu u soo dhiibay miinaas adeerkiis, inkastoo aan weli gacanta lagu dhigin adeerka uu sheegay in miinada loosoo dhiibay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo la isku dayo in la dilo guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamuud Tarsan oo howlo badan oo horumarineed ka sameeyay gobolka Banaadir tan iyo markii xilkan loo magacaabay dhowr sano ka hor.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulka Gobolka Banaadir oo diiday inuu shaqaalahooda ka mid ahaa ruux isku dayay inuu dilo guddoomiyaha Gobolka
More News
- Madaxweynayaasha Somalia iyo Sudan oo kawada hadlay lacag loo daabacay Dowladda Soomaaliya iyo Arrimo kale
- Madaxweynihii hore ee Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Gaalkacayo
- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka Qayb-galay kulan uu Xisbi Mucaarad ah ku qabtay Muqdisho
- Kenya oo Qalalaasaha ka taagan degmada Gaarisa ku eedeysay Ciidammo ka Tirsanaa Dowladdii hore ee Soomaaliya
- Ganacsatada iyo Qurbo-joogta Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay ka qayb-qaataan dayactirka Tiyaatarka Muqdisho
- Qof lagu dilay Suuqa Dharka ee Kismaayo iyo Qaar ka mid ah Ganacsatada oo lagu Amray inay halkaas ka guuraan
- Madaxda Somaliland oo ka qaybgashay aas qaran oo loo sameeyey Askar ku gooriyooday shil gaari oo shalay dhacay
- Maxkamad ku taalla Itoobiya oo la horgeeyay Toban ruux oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab
- Hay'adda HRD oo Muqdisho ku qabatay Dood ku saabsan sidii lagu horumarin lahaa Ganacsiga Haweenka Soomaaliyeed
- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
- Tirada iyo Dhaqaalaha Soomaalida ku nool Gobolka Minnesota ee Mareykanka oo Korortay 12-kii sano ee lasoo dhaafay