4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 12, 2013
Sare-u-kac ku yimid Qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga ah iyo Xukuumadda Somaliland oo aan illaa hadda waxba ka qaban

Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Raashinkii quutal daruuriga ahaa, ayaa qaali garoobay ka dib markii sarifkii lacagta uu kor u kacay, taas oo maalmihii u dambeeyey ku abuurtay dadweynuhu inay iibsan kari waayaan.

Raashinkan kacay ayaa u badan raashinkii dadku aad ugu baahan yahay oo aan inta badan laga maarmayn, kuwaas oo ay ka mid tahay Bariiska iyo Daqiiqda,waxaanay dadkii danyarta ahaa ku keentay werwar aanay raashinkaasi awoodi karin, iyagoo markii hore la daalaa dhacayey sixirka lacagta ay kusoo iibsan jireen raashinka oo sare u kacay ka dib markii shilingi Somaliland hoos u dhac ku yimid, halka kor u qaadmay sarifka lacagtii khalaad oo inta badan raashinka lagu soo iibsan jiray.

Jawaanka Bariiska ee Kontanka Killogiraam ee Bariiska oo hore loo siin jiray 28 doollar ama 182,000 shiling Somaliland ahaa hadaa wuxuu marayaa 30 doolar oo u dhiganta 209,000 lacagta Somaliland, Daqiiqda kontanka killogiraam oo hore loo kala siisan jiray 27 dollar oo u dhigmi jirtay billo ka hor 175,500 ayaa imika maraysa 29 doolar oo u dhiganta 202,000 shiling Somaliland, Sonkorta 50kg wax badan kuma kordhin oo markii hore waxa la siin jiray 35 doolar imika 36 dollar, Baasta kartoonka oo awal hore la siin jiray 10.5 dollar waxa la siinayaa imika 11 doollar, Saliida cuntadda 20 giraam oo hore loo siin jiray 24 dollar imika waxa la siinayey 25 ilaa 26 doollar.

Sidoo kale, waxa iyana sare u kacay qiimihii lacagta doolar lagu sarifayey oo barigii hore lagu bedelan jiray boqolka dollar 650,000 SHSL ayaa imika lagu sarifaa 698,000 ShSl, taas oo dadkii danyarta ahaa iyo shaqaalihii dawlada ka dhigtay kuwo aan goyn karin raashinka, madaama oo lacagtii shilin Somaliland marka wax lagu iibsanayo loogu qiimaynayo halka uu doolarka ka marayo, iyadoo awal hore marka ay lacagta Somaliland hoos u dhacda xaga sarifka aanay qiimaha raashinka waxba ka bedeli jirin, balse imika keentay in qiimaha lacagta Somaliland hoos u dhac ku yimaado oo sicir barar ku keentay dadweyinihii.

Dadweynaha Somaliland ayaa waxa isku qabtay Hoos u dhaca lacagta Somaliland iyo qiimihii raashinka oo iyana hawada la geeyey, taas oo dadkii danyarta ahaa ka dhigtay Raashinkii loo baahnaa ay iibsan kari waayeen maadaama oo lacagtii ay siteen waxba u goyn kari wayday.

Ganacsatada Tafaariiqda oo aanu wax ka waydiinay sababta keentay in raashinku sare u kaca ayaa ku dooday in ganacsatada waaweyn ee raashinka soo dajiyaa qaali gareeyeen, inkastoo ay sheegeen inaanay ilaa hadda si dhab ah u garanayn sababta keentay sicir bararkan.

“Illaa hadda ma garayno waxa kiciyey raashinka oo marka aanu waydiino jumladlayaasha Soo dajiya Raashinka waxay noo sheegaan hadalo kala duwan oo marna waxay ku leeyihiin cashuurta la nagu kordhiyey, marna sarifka lacagaha ee sare u kacay ay sabab u ah, mar kalana leh aduunka ayey ka kaceen raashinkii, laakiin ilaa hadda sababta dhabta ah ee keentay sicir bararkan ma garanayo”ayuu yidhi Jamaal Cabdiraxmaan oo ka mid ah ganacsatada Tafaariiqda ah ee magaaladda Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, Xukuumadda Somaliland oo ahayd inay wax ka qabato ganacsatada hadba qiimaha ay doonaan ku iibinaya raashinka ayaan ilaa hadda waxba ka qaban, iyadoo bilihii u dambeysay isa soo tarayeen qiimaha sare u kaca iyo lacagtan sarifkeeddu kordhay, haseyeeshee waxa xukuumada laga sugayaa maadaama oo mushaharka ku siiso shaqaalaha lacagta Somaliland inay wax ka qabtaan sicir bararka dadka ku habsaday mudooyinkan dambe haddii ay sii socotana dhibaato u keeni karta dadweynaha reer Somaliland.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland