Sabti, Jannaayo 12, 2013 (HOL) — Guddoomiyihii bankiga dhexe ee dalka Jabuuti, Jaamac Maxamuud Xayd ayaa xalay ku geeriyooday isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi halkaasoo maskaxda looga qalay.
Marxuumka ayaa u geeriyooday dhiig maskaxda kaga furmay sida ay sheegeen dhaqaatiita isbitaalka iyo ehelladiisa, iyadoo lagu wado in maanta loo dhoofiyo dalkiisa si halkaas loogu aaso.
"Xayd muddo badan ayaan is naqaannay, wuxuuna ahaa nin af gaaban oo shaqo jecel. Bankiga dhexe ee Jabuuti wuxuu markii hore ka ahaa shaqaale markii dambena wuxuu ka noqday madax, isagoo horumar weyn gaarsiiyay bankiga," ayuu yiri Siciid Cali Muuse oo ka mid ahaa shaqaalihii BBC-da oo Nairobi jooga.
Sidoo kale, Siciid wuxuu sheegay in marxuumka loo keenay Nairobi si looga daweeyo xanuun maskaxda kaga dhacay, balse uu nasiib-darro uu cudurkaas noqday midkii uu xalay u geeriyooday.
"Marxuumu wuxuu la dhashay oo ay walaalo ahaayeen, marwada koowaad ee madaxweynaha Jabuuti, Khadro Maxamuud Xayd," ayuu Siciid Cali Muuse hadalkiisa raaciyay.
Dowladda Jabuuti ayaan weli ka hadlin geerida guddoomiyihii bankiga dhexe ee dalkeeda, iyadoo mas'uulkan lagu xusuusan doono in lacagta dalka Jabuuti aysan wax isbedel ah ku imaan tan iyo markii uu dalkaas xorriyaddiisa ka qaatay dalka Faransiiska.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddoomiyihii Bankiga Dhexe ee Waddanka Jabuuti oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Magaalada Nairobi
More News
- Tartan kubada cagta ah oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan
- Sare-u-kac ku yimid Qiimaha Raashinka Quutal-daruuriga ah iyo Xukuumadda Somaliland oo aan illaa hadda waxba ka qaban
- Faahfaahin ku saabsan iska-horimaad ciidammo Faransiis ah iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmaray Deegaanka Buulo-Mareer
- Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu weeraray Qarax Miino iyo Qarax kale oo Muqdisho ka dhacay
- Ciidamada Ammaanka Kenya oo ruux burcad ah ku dilay Xerada Dhagaxleey oo ka mid ah xeryaha Dhadhaab-Kenya
- Boqolaal Arday ah oo u fariistay Imtixaanka kulliyadaha Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood (SAWIRRO)
- Dowladda Britain oo shaacisay in ay mar kale Marti-gelinayso kulan Arrimaha Dalka Soomaaliya looga hadlayo
- Iska-horimaad Xooggga Al-shabaab iyo Ciidammo Faransiis ah ku dhexmaray Gobolka Shabeellada Hoose