Xubnaha wafdiga ka yimid gobollka Galguduud oo uu horkacayay guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga Saadiq Shiikh Cumar Yuusuf ayeey isla soo qaadeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan sidii iskaashi buuxa looga yeelan lahaa nabad-galyada labada gobol.
‘’Kulanka waxaa uu ahaa mid aynu xog isku dhaafsanay mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan, waayo labada gobol Galguduud iyo Hiiraan waa labo gobol oo daris ah dano-badanna ka dhaxeeyaan ayuu yiri,’’ Saadiq Sheekh Cumar Yuusuf guddoomiye ku-xigeenka amniga gobollka Galguduud.
Sidoo kale, waxaa uu sheegay in kulanka lagu soo qaaday arrimaha amniga iyo sidii iskaashi buuxa uga yeelan lahaayeen mas’uuliyiinta iyo saraakiisha labada gobol ka hortaga cid kasta oo wax u dhimeysa nabad-galyada, iyadoo leysku afgartay ayuu sheegay dhamaan qodobadii laga wada hadllay.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa bar bar socday kulan ay la yeesheen mas’uuliyiinta maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada Jabuuti odayaasha iyo waxgaradka degmada Beer-gadiid oo ay ka wada hadlleen sugida amniga deegaannada hoos taga degmada, gaar ahaan ka hortaga kooxaha maleeshiyada ah laga yaabo in ay jidgooyada dhigtaan deegaannadaas.
Kulanka la sheegay in uu ku dhaxmaray degmada Beer-gadiid mas’uuliyiinta maamulada ka jira gobollada Hiiraan iyo Galguduud uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo dhaxmara mas’uuliyiin ka kala tirsan labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
Baladweyne, Soomaaliya.