3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 11, 2013
Mas’uuliyiinta Gobolka Gedo oo shaaca ka qaaday inay wadaan qorshayaal ay Al-shabaab uga saarayaan Gobolka

Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Mas’uuliyiinta gobolka Gedo ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay xoogagga Al-shabaab uga saarayaan degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo oo ku yaalla Koonfurta fog ee Soomaaliya.

Maxamed Xuseen Al-Qaaddi oo ka mid ah mas’uliyiinta gobolkaas ayaa sheegay inay maalmaha jireen dagaallo u dhexeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al-shabaab ee gobolka ku sugan, balse ay iyagu dejeiyeen qorshe ay Al-shabaab kaga saarayaan gobolka.

“Al-shabaab dhibaatooyin badan ayay ku hayaan gobolka, innaguna waxaan qorsheynay inaan ka saarno degmooyinka ay gobolka kaga sugan yihiin,” ayuu yiri Al-Qaaddi oo ka tirsan saraakiisha Ahlusunna ee gobolkaas ku sugan.

Toddobaadkan horraantiisii ayaa waxaa gobolka Gedo ka dhacay dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo dhinac iyo xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo sababay khasaare fara badan oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

“Ujeedkeennu waa inaan gobolka oo dhan gacanteenna soo gelinno, si aan u sugno ammaankiisa,” ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo xusay in dhawaan ay qaadi doonaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab, inkastoo uusan sheegin xilliga ay dagaalka qaadayaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo mas’uuliyiinta iyo saraakiisha dowladda iyo Ahlusunna ee ku sugan gobolka Gedo ay sheegaan inay dagaal adag la geli doonaan xoogagga Al-shabaab ee ku sugan gobolka Gedo, kuwaasoo ka taliya degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ka tisran gobolkaas.

Xarakada Al-shabaab ayaa iyaduna dhowr jeer dhankeeda sheegtay inay iska difaaci doonto weerar walba oo lagu soo qaado degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
1/11/2013 1:52 PM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shir-doon (Saacid) ayaa shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay xafiiskiisa ku faahfaahiyay waxqabadka xukuumaddiisa oo dhisan muddo 55 maalmood ah, wuxuuna si gaar ah diiradda u saaray midnimada iyo wadajirka ka dhaxeeya hay’adaha Qaranka, sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xukuumaddiisa.

1/11/2013 7:11 AM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL)- Dadweyne Gadoodsan ayaa shalay magaaladda Saylac ku gubay gaadhigii uu wadan jirey maayarkii hore Saylac oo la doonayey in lagu wareejiyo maayarka cusub ee loo doortay magaaladaasi.

1/11/2013 7:05 AM EST
Jimco, Jannaayo, 11, 2013 (HOL) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobollka C/fitaax Xassan Afrax oo sidoo kale ay wehliyaan saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM ayaa kulan kula yeeshay degmada Beer-gadiid ee gobollka Hiiraan mas’uuliyiin ka soctay maamulka dowladda ee gobollka Galguduud.

1/11/2013 2:25 AM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Boqolaal qoxooti Soomaaliyeed ah oo ku jiray xeryaha Dhadhaab-Kenya ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan deegaannadooda kaddib markii ay u adkeysan waayeen dhibaatooyinka ay kooxaha hubeysan ka geystaan xeryahaas, waxaana qoxootigan qaarkood ay sheegeen in dhibaatooyinka ka taagan xeryaha ay kaga wanaagsan tahay iay ku noolaadaan colaadaha iyo macluusha Soomaaliya.

1/11/2013 1:21 AM EST
Jimco, Jannaayo 11, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada dowladda Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Muqdisho xalay ayaa waxay go’aanno ka gaareen sidii loosoo celin lahaa waxbarashadii lacag la’aanta ahayd iyo sidii dib loogu soo celin lahaa hantada maguurtada ah ee dowladda.