4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Xisbiga WADANI oo eedo u soo jeediyay Xukuumadda Somaliland kana hadlay Khilaaf Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa

Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) — Xisbiga mucaaradka ah ee WADANI ayaa xukuumadda ku dhaliilay wada shaqayn la’aan kaliftay in arrimihii amniga wax laga sheego iyo khilaaf uu sheegay inuu ka dhex jiro madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka oo maalmihii u dambeeyey la hadal hayey.

“Waxaa baryahan iska soo daba dhacaayey baaqyo waxyaabo amniga lagaga dayrinaayo , waxaana taas keenay ayaanu u aragnaa xisbi ahaan inay  jirto hoos u dhac weyn oo ka yimi dhankii wada shaqaynta xukuumadda talada haysta iyo hay’adda amniga ee caalamiga ah “ayuu yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo dhaliillo usoo jeediyey xukuumadda madaxweyne Siillaanyo.

Waxaanu intaas ku daray ” Waxay gaadhay meeqaamkii ugu hoosaysay ee la gaadho waana ta keentay in ay beesha caalamku amnigii ka walaacaan waana waxay aragtay beesha caalamku, Xukuumaddu waxay baal martay sunihii ay mari jirtay Somaliland ee ahaa in ay wax kasta lagu xaliyo qaab madax dhaqameedku dhex gali jireen, iyo culima awdiinta”.

Afhayeenka xisbiga WADANI Buubaa oo ka hadlaya khilaaf la sheegay inuu ka dhex jiro madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxa uu yidhi “Waxaad ogtihiin inuu jiro khilaaf soo kala dhex-galay madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa oo gaadhay in uu madaxweyne ku-xigeenku sii sagootiyi waayo madaxweynaha oo safar u baxaya , waxaan leeyahay may ahayn in uu madaxweynuhu dhoofo isaga oo arrinku halkaasi maraya “.

Maalmihii u dambeeyey ayaa la sheegaya inuu khilaaf soo kala dhex galay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, inkastoo ilaa hadda la garanayn waxa uu ka dhashay khilaafkaasi, balse waxa la sheegayaa inkhilaafkaasi keenay in madaxweynuhu maalintii Salaasadda ee uu dhoofayey aanu madaxweyne ku xigeenku la qaadan salaantii ciidamadddu sinayeen, taas oo la dareemay inuu khilaaf huursani jiro.

Dhinca kale,  waxa iyaguna gacanta iskula tagay Maareeyihii hore wadooyinka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo  salaasaddii xilka laga qaaday  iyo taliyihii hore ee sirdoonka Somaliland Xuseen Kiiniyaati, waxaana la sheegayaa inuu dagaalkaasi uu gacanta ku horeeyey maareeyihii hore ee wadooyinka.

Warar aan la xajiin ayaa sheegayaa in maareeyaha xilka laga qaaday kadaba socday taliyihii hore ee sirdoonka  arrimo salka ku haya xilligii uu taliyaha ahaa ee dawladda Daahir Rayaale, wakhtigaasi oo lagu eedeeyey arrimo argagixiso isaga iyo wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali inkastoo aan maxkamad la hor keenin. Haseyeeshee waxa la sheegaya in shakiga waagaas dhashay ka hadhi waayey masuuliyiintan oo u arkay in ilaa hada eedaasi daba socoto, iyadoo masuuliyiin xukuumadda Axmed Siillaanyo ka tirsani aaminsan yihiin in saraakiisha hore ee sirdoonka dagaaal kula jiraan xukuumadda ayna ka dambeeyaan eedaha ka soo yeedhay Maraykanka iyo ingiriiska ee ku saabsan amaanka, inkastoo aanay si toos ah u cadeyn.

Labaddan masuul oo isku gacan qaaday hoteel Maansoor habeen hore ayaa labadooba ciidanka amnigu xabsiga u taxaabeen.

Barkhad-Ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland