4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 8 , 2013
Qarax Kismaayo lagula beegsaday Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda

Jimco, Feberaayo 08, 2013 (HOL) —Qarax xooggan ayaa saaka gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaari ciidan oo ay wateen askar katirsan ciidamada dowladda, xilli uu marayay xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo.

Qaraxa oo la aaminsanyahay in uu ahaa nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Derisyoonka leegada oo u dhow isgoyska Somali-star oo katirsan xaafadda Calanleey ee magaalada Kismaayo, waxaana ilaa imika inta la ogyahay ku dhintay hal askari oo katirsan ciidamadii qaraxa lala eegtay.

“Qarax xooggan ayaa waxa uu ka dhacay Derisyoonka leegada, waxaa la sheegay in uu hal qof ku dhintay, qaraxa kadibna ciidamadu waxay rideen rasaas badan,” sidaa waxa yiri goobjooge codsaday in aan magaciisa la xigan oo HOL u waramay.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa durba soo gaaray ciidamada katirsan kuwa dowladda, waxayna goobta ka sameeyeen baaritaanno, wallow aysan jirin cid lagu qabtay howlgalladaasi.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, mana jiraan madax katirsan maamulka Kismaayo oo faahfaahin ka bixiyay khasaaraha rasmiga ah ee uu sababay qaraxaasi.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo gudaha magaalada Kismaayo qarax lagula eegto askar katirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, haseyeeshee waxa jirtay marar badan oo sidan oo kale gudaha magaalada qaraxyo kala duwan lagula eegtay ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya