4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Ciidamada Somalia iyo kuwa Itoobiya oo la wareegay deegaanno Gobolka Bay ka tirsan iyo Ciidammo Gadooday oo dib loo celiyay

Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) —  Ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay weerar ku qaadeen goobo ay fariisamo ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab oo la kala yiraahdo, Bulo-barako, Bootis, Goorisane iyo Mannaas, waxaa la sheegayaa in dhammaan goobahaas ay la wareegeyn ciidamada huwanta.

Deegaannadaas waa kuwa ugu wax-soo-saarka badan dhinaca beeraha gaar ahaan masagada iyo galleyda ee degamada Baydhabo, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah inkastoo aan la ogeyn inta ay le’eg yihiin.

Wararka laga helayo deegaannadaas ayaa waxay sheegayaan in weli uu socdo dagaalka u dhexeeya ciidamada isbahaysanaya iyo kuwa Al-shabaab, iyadoo aysan labada dhinac ka hadlin dagaalka.

Dhanka kale, ciidammo ka tirsan kuwa milateriga Soomaaliya oo gadooday oo maalmahaanna ku sugnaa degmada Baydhabo ayaa maanta dib loogu celiyay fariisimihii ay ka yimaadeen, kaddib markii la xalliyay khilaafkii keenay gadoodkooda.

Wixii warar ah ee ku saabsan dagaalkaas socda, dib ayaad ula socon doontaan.

Hiiraan Online, News Desk
Baydhabo, Soomaaliya