3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2013
Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE oo Qarka u saaran inuu Garabyo u jabjabo iyo loolan adag oo loogu jiro Hoggaanka xisbiga

Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Xisbiga Muxaafadka ah ee taladda haya ee KULMIYE ayaa u muuqda mid laba garab u kala safan, ka dib markii masuuliyiin badani sheegeen inay doonayaan inay u tartamaan xilka gudoomiyaha xisbigaasi oo noqon doono musharaxa doorashadda dambe ee madaxtooyadda.

Loolan adag ayaa xisbiga dhexdiisa ka jira, waxaana markii hore loolanku ka dhexeeyey gudoomiyaha wakhtigan ee xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirka Maaliyadda somaliland Sheekh Cabdicasiis Maxamed Samaale, kuwaas oo shir doceedyo la yeeshay taageerayashoodda, waxaana labadan masuul ka dhex jira xafiiltan siyaasadeed oo ay ku hirdamahyaan jagadda gudoomiyaha xisbiga kulmiye.

Haseyeeshee waxa iyaguna jiro rag badan oo iyaguna hunguri ka hayo jagadaasi oo uu ka mid yahay gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Maxamed Kaahin iyo madaxweynaha Axmed Siillaanyo oo laftiisu la sheegayo inuu doonayo inuu mar labaad ka qaybgalo doorashadda dambe, isla marakana musahrax u noqdo xisbiga.

Heseyeeshee tartanka loogu jiro jagadaasi iyo xafiiltanka ka dhex jira xisbiga dhexdiisa ayaa golaha dhexe kala taageeri doonaan, kuwaas oo loolan adagi ku dhexmari doono shirweynaha dhexdiisa.

Sidoo kale, Cabdikariim Xinif oo ka mid ah madaxda xisbiga ayaa isna sheegay inuu ku tartami doono gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbigaasi, isla markaana ka qaybqaadan doono ololaha loogu jiro hogaanka sare ee xisbiga.

Loolankan uu xisbiga kulmiye galay ayaa ka dambeeyey ka dib markii shirweynihii golaha dhexe la shaaciyey in la qaban doono bishan soo socda ee march ee sanadkan, haseyeeshee, madaxweynaha ayaa isagu aan doonayn in khilaaf wakhtigan soo dhexgalo xisbiga, isla markaana dib loo dhigo doorashada si aanu u kala jabin xisbiga, haseyeeshee hogaanka xisbiga ayaa iyagu ku adkaysanaya in shirweynaha mudadiisii la qabto, isla markaana xukuumadda iyo xisbiga la kala saaro, xisbiguna u madax banaanaaddo shaqadiisa, waxaanay labadda garaba kulan la yeesheen madaxweynaha, haseyeeshee madaxweynuhu wax go’aan ah kama soo saareen kulankoodda.

Wasiirka maaliyadda oo ka tirsan xukuuumadda  Mr: Samaale ayaa isagu doonaya in guddi ka madax banaan hogaanka imika jira loo sameeyo shirweynaha xisbiga, halka hogaanka xisbiguna arrintaasi ka soo horjeeddaan, isla markaana ku doodayaan in xisbigu ka madax banaan yahay xukuumadda, isla markaana madaxweynaha ka codsaday in musharaxa doonaya inuu isku soo sharaxo xisbiga uu xilka xukumadda ka hayo iska casilo ama laga qaado.

Madaxweynaha laftiisa ayaa isagu diidan in wakhtigan khilaaf soo kala dhexgallo xisbiga, isla markaana dib loo dhigo shirweynaha golaha dhexe ee xisbiga oo lagu dooran doono hogaanka cusub ee xisbiga iyo golaha fulinta, haseyeeshee waxa ololaha xisbiga ka dhex socda laga dareemaya inay laba garab oo kala taageersan xukuumaddda iyo xisbiga soo baxayaan.

Sidoo kale, xisbiyada mucaaradka ayaa iyaguna indho gaar ah ku haya khilaafka ka soo ifbaxaya xisbiga kulmiye, iyagoo doonaya in qolada laga badiyo ee ka dudda xisbiga ay xisbiyadoodda ku soo daraan si taageero buuxda u helaan.

Xisbiga KULMIYE mar walba oo uu shirweyne qabsanaba uu khilaaf weyni soo dhexgala, waxaana wakhtigii ay mucaaradka ahaayeeen shirweynihiisii golaha dhexe ka go’ay siyaasiyiin aad u calculus oo uu hogaaminayey madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw Cali oo wakhtigaasi u tartamayey musharaxa madaxweyne ku xigeenka, haseyeeshee uu madaxweynaha oo wakhrtigaasi ahaa gudoomiyaha xisbiga Axmed Siillaanyo uu taageeray Cabdiraxmaan Saylici inuu noqdo ku xigeenkiisa, waxaana halkaasi ka baxay xisbiga rag badan oo miisaan culus ku dhex lahaa xisbiga, inkastoo markii dambe uu garabkii ka go’ay badh uu hogaaminayey wasiirka gaashaandhiga Cabdiraxmaan Cadami dib u heshiiyeen, isla markaana ay heshiishyo kala galeen, sidaasna markii ay guulaysteen looga dhigay wasiirka gaashaandhiga.

Haseyeeshee shirweynahan ayaa isna la filayaa in garab culus cidlo lagaga tagi doono, kuwaas oo madaxweynuhu mushkilad ku noqon doonto xalinteedda, waxaanay guusha heli doonna uun cidda uu madaxweynuhu taageero.

Inta badan xisbiyadda Somaliland ayaa khilaaf adagi soo kala dhexgalaa, waxaanay hore khilaaf burburiyey xisbigii UDUB soo kala dhexgalay gudoomiyihii iyo ku xigeenkiisii, halka xisbiga UCIDna khilaaf adag soo kala dhexgalay, kuwaas oo laba garab u kala jabay,  markii dambana garab uu hogaaminayo gudoomiyaha golaha waiiladda C/raxmaan CIrro ka go’ay, isla markaana uu Samaystay ururkii WADANI, nasiibkuna ku soo saaray doorashadii lagu kala hadhayey kana mid noqday xisbiyadda Qaran ee dalka, halka xisbiga UCID na uu badbaadiyey garab kale oo ka soo jabay UDUB oo ku soo biiray, dhaqaale iyo taageero badanba ku soo kordhiyey, sidaasna ay labadda xisbiga mucaarad ee hadda jiray ku soo baxeen, iyago markii hore isku ahaan jiray xisbiga UCID.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmahan meelaha la iskugu yimaaddo lagu hadal hayaa khilaafka xisbiga kulmiye iyo ololanka ka jiraa halka uu ku biyo shuban doono iyo cidda ku guulaysan doonta, iyadoo ciyaarta ugu adagna dhexmari doonta Col:Muuse Biixi oo ka mid ahaa saraakiishii jabhadii SNM ee watay ciidankii Hargeysa soo galay iyo Sheekh Cabdicasiis Samaale oo siyaasadda ku cusub, markii horana ahaa gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiiladda ka  hor intii aanu iscaslin.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland













Click here
2/18/2013 1:38 PM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Kulan ay kasoo qaybgaleen odoyaasha dhaqanka, boqorrada, salaaddiinta, culimaudiinka, siyaasiyiinta iyo aqoon-yahannada Soomaaliyeed oo lagu taageerayay golaha salaaddiinta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay hoteelka Mubaarak ee magaalada Muqdisho.

2/18/2013 12:48 PM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho ku jooga magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta kormeeray jaamacadda Jigjiga iyo kuulliyadaha waxbarashada iyo caafimaadka.

2/18/2013 12:04 PM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Gellinkii dambe ee maanta saacaddu markii ay ahayd 4:00 galabnimo ayaa ciidamada dowlada oo wata gaari kuwa dagaalka ah waxay gaarigooda kasoo dejiyeen madaxa nin ay soo gowraceen , iyadoo goobta ay isugu yimaadeen dadweyne fara badan oo daawanayay madaxaas bani’aadam.

2/18/2013 11:48 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta Muqdisho kula kulmay danjiraha Baritain u fadhiya Soomaaliya, Matt Baugh iyadoo labada mas’uul ay kawada hadleen arrimo ay ka mid yihiin, sidii dowladda Britain ay uga qayb-qaadan lahayd xoojinta ammaanka Soomaaliya iyo mashaariic lagu horumarinayo gobollada iyo degmooyinka dalka.

2/18/2013 11:36 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa dowaldda Soomaaliya oo lagu soo tababaray dalka Uganda ayaa dib ugu soo laabtay maanta magaalada Muqdisho, iyadoo garoonka diyaaradaha ay si weyn loogu soo dhaweeyay.

2/18/2013 7:49 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Ciidamada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxay weerar ku qaadeen goobo ay fariisamo ku lahaayeen xoogagga Al-shabaab oo la kala yiraahdo, Bulo-barako, Bootis, Goorisane iyo Mannaas, waxaa la sheegayaa in dhammaan goobahaas ay la wareegeyn ciidamada huwanta.

2/18/2013 7:16 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Iyadoo dhowaan ay wasaaradda caafimaadka ee Puntland ku dhawaaqday in cudurka Duumadu uu ka dilaacay magaalada Boosaaso, ayaa waxaa soo badanaya tirada dadka uu cudurkaasi soo ridanayo.

2/18/2013 6:57 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay lacag gaaraysa 50,000 oo dollar ay abaalmarin ahaan u siinayso qofkii soo qabto qof dilay wariye. Sidaa waxaa Muqdisho kaga dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, iyadoo tallaabadan ay u muuqato mid looga hortagayo dilalka suxufiyiinta oo joogto ka noqday Soomaaliya sannadihii ugu dambeeyay.

2/18/2013 6:43 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa dhaqdhaqaaq ciidan ka wada deegaanada buuraleyda ah ee galbeedka kaga beegan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

2/18/2013 6:29 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada booliska magaalada Baladweyne ayaa warbaahinta u soo bandhigay saddex dhallinyarro ah oo sida ay sheegeen ka soo goostay xarakada Al-shabaab.

2/18/2013 6:19 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Kulan-diimeen ballaaran oo ay kasoo qayb galeen culimaa'uddiin Soomaaliyeed oo tira badan, islamarkaana loogu magac daray " Maxay u dileen Alle ha dile" ayaa xalay ka dhacay masjidka Al-Huda ee magaalada Garoowe.

2/18/2013 2:25 AM EST
Isniin, February 18, 2013 (HOL) - Kulan lagu taageerayo Xisbiga Mucaaradka dalka Jabuuti ee USN ayaa bishan Feb. 17keedii lagu qabtay magaalada Ottawa ee dalka Kanada. Kulankan oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabiyey jaaliyadda reer Jabuuti ee ku dhaqan magaalada Ottawa.

2/18/2013 2:13 AM EST
Isniin, Feberaayo 18, 2013 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay inay kulammo wadatashi ah la yeesheen qaar ka mid ah waxgaradka deegaannadii dhawaan laga qabsaday Al-shabaab ee ay ka mid yihiin Janaale, Owdheegle iyo Bariirre oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.