4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 22, 2013
Ururka Kubadda cagta Adduunka oo Muddo fog kaddib Muqdisho tababar ku siiyay Tababarayaal iyo Ciyaartooy (SAWIRRO)


Khamiis, August 22, 2013 (HOL) — Ururka kubadda cagta ee adduunka FIFA ayaa ku tababaray Muqdisho garsoorayaal iyo ciyaartoy Soomaaliyeed oo ay tiradoodu ahayd 330, waxaana tababarkan uu noqonayaa kii ugu horreeyay muddo 20-sano ka badan oo FIFA ay xubno Isboorti ku siiso Muqdisho.

Tababarkan oo socday muddo shan maalmood ah ayaa wuxuu qayb ka ahaa qorshe ay FIFA ku doonayso inay ku horumariso isboortiga Somalia, iyadoo ay ka faa’iideysteen 30 tababare iyo 300 oo caruur Soomaaliyeed ah.

Intii uu tababarku socday ayaa waxay tababarayaasha Soomaaliyeed ku qaateen xirfado la xiriira xirfadaha kubadda cagta, iyadoo lagu tilmaamay in tababarkan uu ahaa mid lagu horumarinayo ciyaaraha dhallinyarada Soomaaliyeed.

Ulric Mathiot oo ah tababare ka tirsan FIFA oo ka yimid Seychelles ayaa u sheegay warbaahinta in tababarka ay bixiyeen uu ahaa mid wanaagsan oo qayb ka qaadanaya horumarka isboortiga Soomaaliya.

“Hadda waxaan rajeynaynaa in xiriirka kubadda cagta Somalia inay leeyihiin aragti iyo qorshayaal fog oo dhinaca isboortiga ah, waxaana rajeynaynaa in Soomaaliya ay noqoto dal dunida ka muuqda,” ayuu yiri Mathiot oo intaas ku daray: “Dhab ahaan waxaan rajeynaynaa inay soo baxaan carruur Somali ah oo leh xirfado wanaagsan oo dhinca kubadda cagta ah.”

FIFA ayaa u hakisay tababaridda ciyaartoyda Soomaaliyeed 22-kii sano ee la soo dhaafay sababo la xiriira dagaalladii ka socday dalka, iyadoo markii ugu dambeysay ee Muqdisho lagu tababaro ciyaartoy iyo tababarayaal Soomaaliyeed ay ahayd sannadkii 1986-kii, balse hadda ayay dib u billaabeen tababaridda ciyaatoyda Soomaaliyeed taasoo si aad ah loo soo dhaweeyay.

Madaxa farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, Cawil Ismaaciil ayaa sheegay in dagaalladii dalka ka socday ay dib u dhac weyn ku keeneen horumarka isboortiga Soomaaliya.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxay leeyihiin farsamo ciyaareed oo sarreysa, laakiin dhibaatada haysatay waa dagaalladii muddada dheer dalka ka socday,” ayuu yiri Ismaaciil oo intaas ku daray: “Muddadaas waxaa maqnaa in tababarro ay helaan. Waxaan rajeynayaa in sannadaha soo socda ay soo bixi doonaan dhallinyaro kubadda ku wanaagsan. Maxaa yeelay waxaan hadda haysanaa deggenaasho yar, qorshayaasha FIFA-na aad ayay noo saacidayaan. Sidaa daraadeed mustaqbalka waxaan ku rajeynayay inaan noqon doonno dalka ugu wanaagsan Bariga Afrika ee dhinaca kubadda cagta.”

Kooxda Soomaaliya ayaa hadda ah kuwa ugu liita kooxaha Qaaradda Afrika marka ciyaaraha gobollada iyo kuwa Qaaraddu ay jiraan, inkastoo dadaal badan lagu bixiyay sidii loo horumarin lahaa isboortiga Soomaaliya.

Qiimeynta kooxaha ee  ururka kubadda cagta adduunka ee FIFA uu kooxaha qaaradda Afrika ku sameeyay waxay Soomaaliya ka gashay kaalinta 52-aad halkii ay markii hore ku jirtay kaalinta 54-aad.

Ciyaartoyda Soomaaliyeed iyo saraakiisha xiriirrada ciyaaraha Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay barnaamijyada tababarrada ah ee ay u billowday FIFA ciyaartoyda Soomaaliyeed, iyadoo ku tababaraysa gudaha Soomaaliya.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya