4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 25, 2013
Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Somalia oo ka wrbixiyay shirkii Hay’adda IMF-ta ee ka dhacay Washington (SAWIRRO)


Khamiis, Abriil 25, 2013 (HOL) — Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta dowladda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Sulaymaan iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu kasoo qayb-galeen shirkii hay’adda lacagta adduunka ee IMF-ta oo Washington lagu qabtay.

Hay’adda IMF-ta ayaa horraantii bishaan shaacisay inay aqoonsan tahay dowladda Soomaaliya ayna wadashaqyn buuxda la yeelan doonto wasaaradda maaliyadda Soomaaliya si dib loogu dhiso hanaankii dalka uu lahaan jiray ee dhinaca maaliyadda.

Mudane Suleynaam oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay kulammadii uu lasoo qaatay madaxda hay’adda lacagta adduunka (IMF).

“Magaalada Washington waxaa uga soo qayb-galnay shirkii sanadlaha ahaa ee hay’ada IMF, waana markii ugu horreysay oo Soomaaliya ka qayb-gasho muddo 22 sano ah kaddib, taasina waxay yiddidiilo weyn u tahay horumarka baaxada leh oo ay rabto inay ku talaabsato dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in wasaaraddiisu ku howlan tahay sidii dib u habayn loogu samayn lahaa ilaha dhaqaalaha dalka si loo helo nidaam maaliyadeed oo hufan, taasina wax weyn ayay ka tari kartaa in dowladdu ay hesho kaalmooyin caalami ah.

Wasiirka maaliyadda ayaa intii uu xilka hayay wuxuu dadaal dheer u galay sidii wadashaqayn dhan kasta ah u yeelan lahaayeen dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka, wuxuuna ku guulaystay in Soomaaliya ay dib u hesho xubinnimadeedii hay’adda lacagta adduunka (IMF) kana qaybgasho shirarka caalamiga ah ee hay’adda muddo rubuc qarni ku dhow.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya