4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Dab Khasaare Geystay oo Xalay ka kacay Magaalada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan oo ay ka Taliso Al-shabaab

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Wararka laga hellayo degmada Buula-burte  ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dab xoogan khasaare hantiyeed geystay oo uu qabsaday goobo ganacsi oo ku yaala degmada.

Dad  ku sugan degmada ayaa HOL u sheegay in dab-ka oo ka bilaawday kaalin shidaal lagu iibiyo oo aan ka fogeyn Buundada degmada Buula-burte, waxaana uu si fudub ugu fiday dhamaan goobihii ganacsiga ka ag-dhawaan halka uu dab-ka bilaawday.

“Ilaa Toban dukaan ayaa baabi’iyay dab-ka oo marba marka ka daneysay sii xoogeysanayay, dadka degmada oo meelo kala duwan ka soo gurmaday ayaa markii danbe ku guuleystay in ay damiyaan,’’ ayuu yiri qof ku sugan degmada Buula-burte.

Dhab ahaan looma inta uu la eg yahay khasaaraha uu geystay dabka hasse ahaatee waxaa la sheegay in uu  bur buriyay hantidii ku jirtay ilaa Toban dukaan oo ku tiilay agagarka kaalinta shidaalka ee uu dabka ka kacay.

Degmada Buula-burte waxaa gacanta ku haya kooxda Al-shabaab, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo saareen dabka khasaaraha geystay ee xalay ka kacay degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya