4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 1 , 2013
Maxkamadda Milatariga Somaliland oo Maanta Xukunno kala duwan ku Ridday 22-qof oo hore u Weerartay Xero Ciidan

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Maxkamadda sare ee ciidamadda Milatariga Somaliland, ayaa xukunno kala duwan ku xukuntay koox dabley ahayd oo sanadkii hore soo weeraray xero ciidanku leeyahay.

Maxkamaddan ayaa wax ka dhintay xukuno hore loogu xukumay kooxdan oo ahaa dil, waxaany ka dhigtay 20 sanno oo xadhig ah, halka kuwo kale oo hore loogu xukumay xabsi daa’in looga dhigay 15 sanno oo xadhiga.

Garyaqaankii u doodayey kooxdan la xukumay Garyaqaan xildhibaan Maxamed Saalax Cige, ayaa noo xaqiijiyey xukunka 22 qof oo xukuno kala duwan lagu xukumay, waxaanu sheegay inay ku doodeen in xukunkii hore ee lagu xukumay ee dilka ahaa la buriyo, isla markaana ay maxkamaddu soo saarto go’aan cusub oo ah in loogu bedelo 20 sanno oo xadhig ah, halka shan ka mid ahna lagu xukumay 15 sanno, halka laba kale oo aanay maxkamadii horana xukumin tan dambana aanay xukumin lagu hayo rumaan, maadaama oo ay dhaawac ahaan xabsiga ugu jireen.

Guleed Axmed jaamac ( dafac) oo ka mid ah ururadda  xuquuqul insaanka Somaliland ayaa xukunkaasi ku tilmaamay mid sharciga waafaqsanayn, maadaama oo ragan la xukumay ahaayeen shacab, isla markaana aanay sharcigu ogoleyn in dad shacab ah ay maxkamad ciidan xukunto.

Si kastaba ha ahaatee, kooxdan la xukumay ayaa sanadkii hore soo weeraray xero ciidan oo ku taalla magaaladda Hargeysa, waxaanay maxkamaddii ciidamadu ku xukumeen 17 ka mid ah dil, halka shan ka mid ah xabsi daa’in, laba kale oo dhaawac ahaana xukun la’aan xabsiga iskaga jiraan, haseyeeshee racfaan laga qaatay xukunkaasi ayaa dib loo galay kiiskooda, waxaanay ka naakhuseen xukunkii hore ee ahaa dilka, isla markaana loogu bedelay 20 sanno, halka shan kalana looga dhigay 15 sano.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland