3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 18, 2012
Magaalada Kismaayo oo cabsi weyn ay ka jirto iyo Qoysaskii deggenaa Magaaladaas oo cabsi awgeed uga barakacaya
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xilli maalmihii ugu danbeeyay ay xiisado dagaal ka taagnaayeen qeybo katirsan gobollada Jubooyinka ayaa magaalada Kismaayo laga dareemayaa jawi kacsanaan iyo barakac xooggan.

Qoysas badan ayaa bilaabay in ay isaga barakacaan magaalada, iyagoona beegsanaya deegaanada gosha ee dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo.

"Magaalada Cabsi ballaaran ayaa ka jirto, waa lagu wareersanyahay sida ay wax u jiraan, Al-shabaab ciidamadii joogay iyo gaadiidkoodii dagaalka way ka saareen magaalada, mana la garanayo sida ay wax noqon doonaan," sidaa waxaa yiri goobjooge magaciisa qariyay oo HOL u waramay.

Sidoo kale waxaa maanta hawada ka maqan idaacadda Andalus ee magaalada Kismaayo, taasoo shalay galabkii hawada ka baxday, waxaana warar hoose oo aan ka heleyno magaalada Kismaayo ay sheegayaan in idaacadda loo raray dhanka degmada Jilib ee gobolka jubada Dhexe.

Dhinaca kale waxaa dagan xaaladda deegaanka birta dheer iyo deegaanada ku xeeran oo ay shalay ka dhaceen dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada dowladda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo isku dhinac ah iyo xarakada Al-shabaab.

Dagaalkii shalay ka dhacay nawaaxiga deegaanka Birtadheer oo ahaa mid xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu sababay khasaarooyin lixaad leh oo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Masuuliyiin u hadashay xoogagga Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalkii shalay ay jab xooggan ugu geysteen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, waxayna sidoo kale sheegeen in ay soo rideen diyaarad nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya.

Ma jiraan wax war ah oo ku aadan dagaalkii shalay oo kasoo baxay dhanka masuuliyiin dowladda iyo kuwa Kenya, waxaana wararku ay sheegayaan in xaaladda ay saaka tahay mid yara xasiloon walow mararka qaar ay labada dhinac isweeydaarsanayaan madaafiic.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya











Click here
9/18/2012 11:46 AM EST
Talaado, September 18, 2012(HOL): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka horumarinta xiriirka caalamiga ah ee dalka Sweden Gunilla Carlsson iyo xiriiriyaha arrimaha bani’aadamnimada ee Qaramada Midoobay Mark Bowden.

9/18/2012 9:55 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay maanta in ciidammo booliis ah oo ka soda dalka Nayjeeriya oo isugu jira rag iyo dumar ay kusoo biireen howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Muqdisho, kuwaasoo ku biiri doona booliis horay ugu sugnaa Muqdisho oo ka socda dalka Uganda.

9/18/2012 8:40 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Saraakiisha milateriga Kenya ayaa sheegay maanta oo Talaado ah in ciidamadooda iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay qarka u saaran yihiin magaalo xeebeedda Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose, hakaasoo ay kumannaan qof oo ku noolaa ka barakacayaan.

9/18/2012 7:54 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay saddex kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Salaaso ah inta u dhexeysa isgoyska KM-4 iyo Tarabuunka.

9/18/2012 7:31 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa iska fogeeyay hadal kasoo yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Sam Ongeri oo ahaa in Shariif uu ku lug lahaa qarax lagu weeraray hoteel uu magaaladaas ka deggenaa madaxweynaha Soomaaliya toddobaadkii hore.

9/18/2012 7:06 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Ururada bulshada rayidka Banaadir ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay kaga hadleen sidii gargaar bani'aadanimada lagu gaarsiin lahaa deegaannada Al-shabaab laga saaray iyo sidii looga hortegi lahaa in gargaarkaas la leexsado.

9/18/2012 3:09 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Maamul goboleedka Puntland ayaa ka digay in loo magacaabo ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya mas'uul horay uga soo mid noqday xukuumadihii dalka soo maray, iyagoo ku taliyeen in lasoo magacaabo ruux cusub oo aan kasoo mid noqon xukuumadihii hore.

9/18/2012 3:00 AM EST
Talaado, September 18, 2012 (HOL) — Xukuumadda Somaliland, ayaa soo dhaweysay hadalkii uu ka yidhi Madaxweynaha Cusub ee Somalia wada hadaladda Somaliland iyo Somalia dhexmari doona.