4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 24, 2012
Saraakiisha Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM oo sheegay inay ka shaqeynayaan sidii lagu adkeyn lahaa Ammaanka Baladweyne

Arbaco, Oktoobar 24, 2012 (HOL) — Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan nabad-galyada magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Col. Cismaan Dubad oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ayaa sheegay in iyaga oo kaashanaya ciidamada maamulka gobollka Hiiraan iyo kuwa dowladda Itoobiya wax badan ka qaban doonaan nabad-galyada oo sida uu hadalka u dhigay xiliganba ah mid hagaagsan.

"Qorshaha howlgalkeena ayaaba ah mid salka ku haya sugida amniga, sidaa daraadeed wax badan ayaa laga qabanayaa nabad-galyada magaalada Baladweyne, horayna waa looga qabtay oo hadda amaanka waxaa la oran karaa waa mid hagaagsan ayuuy yiri,’’ Col Cismaan Dubad.

Waxaa uu intaa ku darray in subax kasta aroor hore laga sameeyo magaalada howlgalo nabad-galyada lagu xaqiijinayo simarkaa meesha looga saaro wax yeelo dadka rayidka ah ka soo gaartay walxaha qaraxa oo ay ku aasaan magaalada kooxaha cadawgga oo uu ula jeedo Al-shabaab.

"Subax kasta ciidamadu waxaa ay ku dhaqaaqaan howlgalo miino baaris ah, mudadaa uu howlgalku socdo waxaa laga yabaa in hakad la galiyo isku socodka dadka, sidaa daraadeed micnuhu ma’aha in magaaladu Bandow ku jirto ayuu yiri,’’ Col Cismaan Dubad.

Waxaa uu ku amaanay ciidamada dowladda Itoobiya ee jooga magaalada Baladweyne sida ay xoogga u saarayaan waxa ka qabashada amniga, isaga oo sheegay in dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne sida uu hadalka u dhigay faa’iido badan ku qabaan ciidamada.

Dhawaan ayeey aheyd markii ay kulan ku yeesheen magaalada Baladweyne saraakiisha ciidamada Jabuuti iyo odayaasha dhaqanka beelaha ku dhaqan gobollka Hiiraan, iyaga oo isla soo qaaday wax ka qabashada nabad-galyada.

Jabuuti waxaa hadda ka jooga magaalada Baladweyne boqolaal ciidamo ah oo qeyb ka ah howlgalka midowgga Africa ee AMISOM kuwaasoo fariisimo ku leh hareeraha magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya