Arbaco, Oktoobar 17, 2012 (HOL) — Hal qof ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari caano siday ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku rasaaseeyeen inta u dhexeysa deegaanka Xaawo Cabdi iyo Calamada ee duleedka Muqdisho.
Haweeneyda dhimatay ayaa la sheegay inay ka mid ahayd ganacsatada caanaha geeya magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kalena labada qof ee dhaawacmay la sheegay inay iyaguna ahaayeen laba qof oo ka mid ah ganacsatada caanaha.
"Ciidamada dowladda rasaas ayay ku fureen gaari caano siday oo kasoo baxay deegaan u dhow degmada Afgooye. Haweeney ayaa ku dhimatay laba kalena way ku dhaawacmeen," ayuu yiri goobjooge ku sugnaa halka ay rasaastu ka dhacday.
Gaarigii caanaha soo soo qaaday ayaa dib ugu laabtay deegaankii uu ka yimid isagoo wada maydaka haweeneyda iyo labada qof ee kale, iyadoo ay goobta ka baxsadeen ciidamadii rasaasta furay oo xirnaa direyska milateriga Soomaaliya.
"Darawalka gaariga wuxuu diiday inuu joojiyo isagoo ka baqdin qabay in dhac loo geysto, taasina waxay keentay in rasaasta khasaaraha geysatay lagu furo," ayuu yiri goobjoogaha la hadaly HOL oo sababo ammaan awgeed u qariyay magaciisa.
Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca dowladda Soomaaliya oo ku saabsan dilka iyo dhaawaca ay askar ka tirsan ciidamada dowladda u geysteen dad shacab ah oo ka ganacsada caanaha, iyadoo aysan ahay markii ugu horreysay oo ciidamada dowladdu si bareer ah u toogtaan dad shacab ah.
Jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo falkan uu ka dhacay ayaa waxaa xiliyadii ugu dambeeyay kusoo kordhayay isbaarooyin ay ciidamada dowladdu dhigayaan, kuwaasoo ay lacago baad ah uga qaadanayaan gaadiidka dadweynaha ee jidkaas istcimaala.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Rasaas ay Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ku fureen Gaari Rakaab Siday oo Sababtay dhimaho iyo mid dhaawac
More News
- Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidanka Booliiska Kenya iyo Xoogag Al-shabaab Taabacsan ku dhexmaray Magaalada Mombasa
- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Markab sida shixnad ganacsi iyo Dooni Faaruq ah oo ku xirtay Dakadda Caalamiga ah ee Magaalo Xeebeeda Kismaayo
- Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Soomaaliya oo Xabsiga u Taxaabay Wariye horay uga soo shaqeeyay Kismaayo
- Shacabka ku nool Kismaayo oo sheegay inay dhac kala kulmaan ciidamada dowaldda Soomaaliya xilliyada ay Baarista Sameynayaan
- Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inaysan joojinayn dagaalka ay kula jirto ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM
- Madaxweynaha Puntland oo sheegay in ciiddii doonaysa inay ka Qayb-gasho Tartanka Madaxnimo ee Puntland ay sameysato Xisbi
- Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia oo Maanta codka Kalsoonida u qaadaya Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Guddoomiye ku xigeenkii Saddexaad ee Ururka WADANI oo ku Geeriyooday Shil Gaari oo ka dhacay Magaalada Berbera