3/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 14, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo dalka Mareykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya

Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka Maerykanka uga qaybgalaya shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhaci doona xarunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa looga hadli doonaa xaaladda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii u qabsoomayd dowladda KMG ah, waxaana Soomaaliya matalaya madaxweyne Sheekh Shariif.

Wadfiga Madaxweynaha ayaa gaaray Mareykanka kaddib markii ay xalay ka dhoofeen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo madaxweynuhu intii uusan u dhoofin mareykanka muddo laba casho ah ku sugnaa dalka Uganda.

Sheekh Shariif ayaa kulammo la yeeshay intii uu Uganda ku sugnaa madaxewynaha dalkaas Yoweri Museveni oo ay ciidammo badan ka joogaan Soomaaliya iyagoo kawada hadlay xaaladda Soomaaliya iyo howlaha AMISOM.

Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Uganda ku nool, isagoo ku boorriyay inay qayb ka qaataan dib u dhiska dalka iyo soo celinta nabadda, sidoo kalena wuxuu booqday ciidammo Soomaali ah oo tababar loogu soo gabgabeeyay duleedka Kampala.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Mareykanka ayaa noqonaya kii labaad oo uu halkaas ku tago tan iyo markii uu noqday Madaxweyanaha DKMG ah ee Soomaaliya sannadkii 2009.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/14/2012 8:56 AM EST
Talaado, May 15, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay maanta inay dileen saraalkii hoggaaminayay ciidamada Burundi ee ka dagaalama degmada Dayniile, kaddib weerar gaadmo ah oo ay xoogaggoodu qaadeen habeennimadii Talaadadii lasoo dhaafay.

5/14/2012 8:28 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Munaasabad ay kasoo qayb-galeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, ardeyda Jaamacada Hiiraan (Hiran University), waxgarad iyo aqoon-yahanno ayaa looga mahadceliyay Jaaliyadaha Hiiraan ee dalka dibadiisa labo Bas oo ay ugu deeqeen ardeyda Jaamacada.

5/14/2012 7:55 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ciidamada Al-shabaab uu hadda billaabay inuu kala shaqeeyo sidii ugu marqaati furi lahaa dadka taageeray iyo kuwa u dagaalamay Al-shabaab.

5/14/2012 7:30 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Munaasabadda lagu dhaarinayay ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Beeraha, xanaanada xoolaha dhirta iyo daaqa dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa maanta ka dhacday guriga afhayeenka baarlamaanka Somaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

5/14/2012 7:29 AM EST
Isniin, May 14, 2012(HOL) -Waxaa magaalada Stockholm lagu qabtay kulan lagu falanqeynaayey qabyo-qoraalka dastuurka Soomaaliya ah oo ay qabanqaabadiisa iska kaashadeen Ururka Baadigoobka Waddaniga Soomaaliyeed (UBWS) iyo Royal TV.

5/14/2012 7:09 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Ciidamada badda Turkiga ayaa qabtay 14-burcad-badeed Soomaaliyeed ah kaddib markii ay ku weerareen meel ku dhow xeebaha dalka Cummaan, waxayna howlgalkaas ku furteen kalluumeysato Yemeniyiin ah oo tiradoodu ahayd toddoba ruux.

5/14/2012 3:16 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa Kenya iyo xoogagga Al-shabaab.

5/14/2012 3:10 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Kulankan oo ahaa mid dhaqaale waxbarasho dibadeed loogu raadinayay gabadhaha da’yarta ah ee ku dhaqan gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya gaar ahaanna kuwa ku nool deegaannada miyiga ah ee ka baxsan magaalooyinka oo aan inta badan helin fursadaha waxbarasho ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan oo ka kala socday qeybaha bulshada, sida siyaasiinta ka tirsan goleyaasha siyaasadda ee dalka Mareykanka oo uu ka mid yahay Keith Elison, culumo, ganacsato, aqoonyahano iyo waliba siyaasiin ka socotay dalka Kenya oo maalmihii ugu dambeyey ku sugnaa Mareykanka.

5/14/2012 3:08 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur) iyo wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Xaaji Cali Shire ayaa kaga qaybgalay magaalada Wajaaale hirgalinta Qorshe cusub oo ku saabsan hirgaliyey laanta socdaalka ee xuduudda Wajaale, waxaana xariga ka jaray laantaas taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf.

5/14/2012 3:07 AM EST
Isniin, May 14, 2012 (HOL) — Laba qof oo mid ka mid ah ay tahay haweenay ayay kooxo bastoolado ku hubeysan ku dileen shalay gallinkii dambe degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo ay dowladda iyo ciidamada Itoobiya gacanta ku hayeen tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan.