4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Ciidammo ku diriray Suuq-bacaad iyo Guddoomiyaha Degmada Huriwaa oo eedeyn u jeediyay Ciidamada DKMG ah iyo AMISOM

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladd KMG ah ku dhexmarya xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo guddoomiyaha degmada Huriwaa uu eedeyn u jeediyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda ee shalay ka dhacay Suuq-bacaad uu ka dhashay dil loo geystay sarkaal watay mid ka mid ah labada ciidan ee uu dagaalku dhexmaray.

Guddoomiyaah degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Jurrus ayaa dagaalka dhexmaray ciidamada DKMG ah ku tilmaamay mid aad looga xumaado, isagoo xusay inaysan u dul-qaadan doonin in shacabka lagu dul-dagaalamo.

"Ma jirto khasaare shacabka soo gaartay, balse waxaan uga digaynaa ciidamadu inay ku dul-dagaalamaan shacabka ku nool degmada," ayuu yiri Muxyadiin Jurrus oo intaas ku daray in amaanka degmada uu inteeda badan yahay mid wanaagsan.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Huriwaa, Cumar Jacfaan oo isaguna la hadlay saxaafada ayaa ku eedeeyay ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM inay dayaceen ka shaqeynta amaanka degmada uu guddoomiyaha ka yahay.

"Ciidamadii dowladda iyo kuwii AMISOM ee ku sugnaa cirifyada hore ee degmada ayaa dib ugu soo gurtay gudaha degmada, taasina waxay keentay in Al-shabaab ay mar walba soo weeraraan degmada," ayuu yiri Cumar Jacfaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu dalbaday in dowladda KMG ah ay xil iska saarto sidii loo sugi lahaa degmada, iyadoo mas'uuliyiinta milateriga dowladda aysan ka hadlin eedeyn kaga timid guddoomiyaha degmada Huriwaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya