4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in muddo yar ay kaga adkaanayaan burcad-badeedda haddii la caawiyo

Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda ayaa ka sheegay in dowladdiisu ay muddo sannad ah ku cirib-tirayso burcadbadeedda haddii la siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

Sheekh Shariif ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii lagu dhisi lahaa ciidamada badda Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay awood u leeyihiin inay ka adkaadaan burcadbadeedda.

"Burcabadeeddu waxay kuma noola badda, waxay ku nool yihiin Soomaaliya, dhulkana waa meesha ugu wanaagsan ee lagula dagaalami karo," ayuu yiri Sheekh Shariif oo la hadlyaya 400-ergo oo ka qaybgalayay shirkaas.

"Waxaan diyaar u nahay inaan ka hortagno dhibaatadaas. Marka la eego awooddeenna waxaan u baahannahay in tababar naloo siiyo ciidamada badda si ay ula dagaalamaan una joojiyaan burcadbadeednimada," ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Imaaraadka Carabta Dr Anwar ayaa sheegay in dalkiisa uu ku bixinayo tababarka ciidamada badda dalka Soomaaliya hal milyan oo dollar si loo cirib-tiro burcadbadeedda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shirka ka sheegay in 5,000 illaa 6,000 oo askar Soomaaliyeed ah ay diyaar u yihiin in loo tababaro sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha burcadbadeedda ah.

"Waxaan beesha caalamka ka doonaynaa inay hub iyo qalab kale ku caawiyaan ciidamadaas," ayuu yiri Sheekh Shariif oo sheegay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay ka hortagto falalka burcadbadeednimo.

Sidoo kale, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dalkiisu uu baahan yahay in gacan laga siiyo sidii loo joojin lahaa maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta biyaha Soomaaliya iyo shirkadaha sunta ku daadiya.

"Dalalkan waxay ka faa'iideysanayaan xalaaddeenna, waxaan beesha calaamka ka codsanaynaa inay gacan naga siiyaan sidii aan arrintaas u joojin lahayn," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Afrika ee dalka Britain Henry Bellingham oo isaguna shirka ka hadlay ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka ay dhaqaale ku caawisay sidii lagu dhisi lahaa ciidamada badda Soomaaliya, Midowga Yurubna ay sidaas oo kale dhisi doonaan ciidamada gobolka oo dhan.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu xilligeedu ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo markaas kaddib la dhisi doono dowlad joogto ah oo ay yeelato Soomalaiya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu dadaal ugu jiro sidii uu mar kale xilka u qaban lahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya