3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 28, 2012
Ciidamadda laanta Socdaalka ee Somaliland oo qabtay Caruur laga keenay Muqdisho oo loo Tahriibinayay Dalalka Carabta
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciiddamada Laanta socdaalka ee Madaarka Diyaaraddaha ee Magaaladda Berbera ayaa sheegay inay qabteen 12 Caruur ah oo laga keenay Koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo la socday Diyaarada ka soo kicitimtay Magaaladda Muqdisho.

Carruurtan oo tiradoodu tahay 12 caruur ah, ayaa waxa watay laba nin oo Soomaali ah, kuwaas oo markii la qabtay Ciidamada Amaanku u sheegay inay doonayeen inay carruurta u tahriibayaan dalalka Carabta, waxaanu taliyaha socdaalku ku dooday in lagu soo beegay maalintii fasaxa lagu jirey ee dabaaldegga 26 june ee shaqadda laga hayey madaarku ay koobnayd.

 12-ka Carruurta ah ayaa da’doodu aad u yar tahay, iyadoo 10 ka mid ah da’dooda lagu sheegay 12 jir, 2 ka mid ahna 15 jir,  waxaanay Ciidamada Boolisku soo bandhigeen Baasabooro iyo dhukumantiyo been abuur ah oo lagu Safrayey.

Caruurtan la wato iyo dadkan wata ayaa labaduba ku doodeen inay qaraabo yihiin, iyadoo labadan caruurta ka masuulka yihiin sheegay inay kharashka caruurtan ku baxaysa ay waalidkooda ka soo bixiyeen.

Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Ciidanka amaanka ee Madaarku ay doraad soo qabteen 12-kan Gabdhood oo laga dhoofinayey Madaarka Berbera, waxaanu tilmaamay in sifo sharci daro ah la doonayay in lagu dhoofiyo.

“Caruurtan ayaa waxay ka soo degeen Madaarka Berbera, waxaanay yihiin  12 Gabdhood oo Da’doodu aad u yar-yartahay oo laba qaangaadh ah mooyaane inta kale aanay qaan-gaadhin, kuwaas oo lagu soo beegay Maalintii qaranimada Somaliland oo ahayd maalin fasax ah”ayuu yidhi taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali, waxaanu intaas ku daray “Anagoo mar walba heegan ah xaga amniga iyo Baadhitaanka, waxaanu la kulanay da’yartan oo ka soo degtay madaarka Berbera, iyagoo koox-koox isu qaybinaya dadna ay u joogaan Magaalada Hargeysa, markii aanu baadhnayna waxaanu aragnay iyagoo baasaabooro aad u fool xun sita oo da’daa baasaaboorada ku jira iyo Hablahan da’dooda aanay islahayn, taasoo ka shakinay”ayuu yidhi.

“Waxaanan dad-weynaha tusaynaa sababaha loo dhoofinayo hablo kaliya , taasoo aanu garanay inay tahay Dad laga faa’iidaysanayo ama xogooda lagu shaqaysanayo, markaa waxaanu u garanay ka Ganacsi dumar inay ku jirto, iyadoo si sharci daro ah lagu dhoofinayo dad aan ehel u ahaynina ay wataan”ayuu yidhi taliyuhu.

Taliyuhu waxa uu sheegay in bil ka hor ay sidan oo kale u qabteen afar caruur ah oo aad u yar yar, kuwaas oo ilaa hadda lagu hayo Xarunta Agoomaha ee magaaladda Hargeysa.

Gabadh ka mid Caruurtaas la Tahriibinayey oo magaceeda ku sheegtay Farduus Cabdi oo Saxaafadu wax ka weydiisay sababaha loo dhoofinayay ayaa waxa hadalkeedii ka mid “Waxa la iga keenay Walaweyn, waxa I waday Niman aanu qaraabo nahay , Hooyaday Jiday joogtaa Aabahayna Walaweyn buu joogaa, si nabad galyo ah ayaanu u nimi halkan”

"Askarta Somaliland ee joogta Berbera ayaa na qabatay, ka dibna Hargeysa ayaa lana keenay, carruurtana waanu isla soconay oo waanu soo wada tahriibnay, waxaanu doonaynay inaanu Hargeysa marno, Lowyacado ilaa Jabuuti, dooni ka sii raacno ilaa Yemen, markaana Sucuudiga aadno. Ilmaadeer ayaanu nahay hablaha, carruurtana waalidkooda ayaa lacagta ka soo bixiyay oo mid walba waxa la soo siiyay $ 390 doolar”ayuu yidhi mid ka mid ah Ragii waday 12kan caruurta ah.

 Si kastaba ha ahaatee, dadka laga ganacsado ayaa soo badanaya, iyadoo dhowaana dekadda Berbera lagu qabtay dhawr iyo toban caruur ah oo ay wateen laba qof oo Itoobiyaan ahi, waxaana loo baahan yahay in si foojig loo ilaaliyo caruurta.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland












Click here
6/28/2012 8:39 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo kulan ay ku yeesheen magaalada New York ee dalka Mareykanka kasoo saaray go'aan ay ku sheegayaan in shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom, aysan lug ku lahayn dhammaan eedeymihii horay loogu jeediyay.

6/28/2012 8:22 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Ciidamada DKMG ah ayaa maanta ka sameeyay howgallo ay kusoo qabqabteen dhallinyaro badan ka sameeyay degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir, kaddib markii xalay la weeraray guriga guddoomiyaha iyo saldhigga degmadaas.

6/28/2012 7:29 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulan ku yeeshay maanta magaalada Dubai ee dalka Imaaaraadka Carabta, iyadoo labada mas'uul ay hadallo jeediyeen.

6/28/2012 7:18 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kaalinta Haweenka Soomaaliyeed ay ku yeelan karaan nabadda iyo xasiloonida dalka oo ay ka qayb-galeen boqolaal haween ah ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.

6/28/2012 7:01 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta u gudbisay odayaasha dahaqanka ee ku shirsan Muqdisho qabyo-qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la qorsheynayo in bisha soo socota la ansixiyo.

6/28/2012 6:57 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Abaabullo ciidan iyo xiisado dagaal oo aad u xoooggan ayaa ka taagan inta u dhexeysa degmada Afmadow iyo deegaanka Biibi, halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

6/28/2012 3:04 AM EST
Khamiis, June 28, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay shir looga hadlayo arrimaha burcadbadeedda ayaa ka sheegay in dowladdiisu ay muddo sannad ah ku cirib-tirayso burcadbadeedda haddii la siiyo taageerada ay u baahan yihiin.

6/28/2012 1:30 AM EST
Khamiis, Juun 28, 2012 (HOL) - Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya waxaa ay goob colaadeed ahayd muddo ka badan labaatameeyo sano, waxaana dadkii ku dhaqnaa gudaheeda ay dantu ku qasabtay in ay isaga cararaan, si ay naftooda amaan ugu helaan